Dagaal culus oo kadhacay tuulada Hilowle Gaab

262

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal saaka ka dhacay deegaanka Hilowle-gaab oo hoostaga degmada Ruun-Nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaasi oo u dhaxeeyay ciidaamda huwanta iyo Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaal-yahaano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar dhowr jiho ah ku qaadeen saldhiga ay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay kaga kaga sugnaayeen deegaanka Hilowle-gaab.

Weerarkaan oo ku billowday gawaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, ayaa waxaa isa-soo taray khasaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay, waxaana lasoo sheegayaa in ay ku dhinteen Saraakiil iyo Askar ka tirsan ciidamada Millateriga Soomaaliya iyo kuwa degaanka ah.

Saraakiisha iyo Askarta ku dhintay weerarkaasi ayaa waxa kamid ah Cabdulqaadir Teesto iyo Gaashaanle Dhexe Xasan Cali Indhoole.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ay jiraan gaadiid ciidan oo khasaare kasoo gaaray weerarka Al-Shabaab

Saraakiil iyo ciidamo gurmad ah ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa inay gaareen deegaanka Hilowle-gaab, kuwaasi oo markii dambe fashiliyay qorshii Al-Shabaab ay ka lahaayeen deegaankaasi.