Madaxweynaha Jabuuti oo Muqdisho tagay +SAWIRRO

276

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad ku qabsoomtay garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle Cusmaan ee magaalada Muqdisho waxa uu ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muujiyey sida dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay u soo dhaweynayaan Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdigiisa, waxa uuna xusay doorka taariikhiga ah ee walaalaha Jabuuti ay ku leeyihiin dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Xasan Sheekh, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta diirran iyo marti-gelinta shirkan muhiimka ah ee lagaga arrinsanayo dabar-goynta argagixisada Alshabaab oo caqabad weyn ku ah horumarka iyo nolosha shucuubta gobolka.