Shirkii Laaacaanood uga socday Isimada Dhulbahante oo Baaq rasmi ah kasoo baxay

324

Baaq ayaa kasoo baxay shirkii magaalada laascaanood uga socday Isimada gobolada SSC, iyagoo ku dhawaaqay go’aano culus.

Isimada SSC ayaa ku dhawaaqay in aysan ka tirsanayn Somaliland iyo gooni istaageeda. Waxay sheegeen in laga bilaabo maanta ay katirsan yihiin dowladda federalka Soomaaliya, dhulkoodana lagu maamulidoono dastuurka Soomaaliya.

Baaqa kasoo baxay shirka magaalada Laaacaanood, waxaa lagu sheegay Somaliland inay si degdeg ah ciidamadeeda ugala baxdo dhulka SSC.

Isimadu waxay sheegeen in maamulka lagu wareejinayo dowladda federalka Soomaaliya inta laga dhameystirayo dastuurka Soomaaliya.