Todobaad ayuu galay dagaal culus oo ciidamada maamulka Somaliland iyo ciidanka deegaanka ee SSC ku dhexmaraya xarunta gobalka Sool ee Laascaanood.
Dagaalka oo aroornimadii saaka dib uga bilowday duleedka magaalada Laascaanood ayaa dhibacyadu isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan. Ciidanka maamulka Somaliland ayaa sii wada madaafiicda aan loo meel dayin ee wali ay ku garaacayaan magaalada.
Somaliland waxay sheegaysaa in Argagixiso, ciidamada DFS, kuwa PSF iyo kuwa Puntland ay la dagaalamayso, dadk deegaankuna waxay sheegayaan in ay iska difaacayaan damaca Somaliland.