Dr. Maxamed Sheikh Axmed oo kugulaystay kursiga Hop 086

328

Guddiga KMG ah ee doorashada kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka ayaa maanta qabtay doorashada kursiga HOP#086, kaas oo horay loogu diiday taliyihii hore ee Nabad Sugidda, Fahad Yaasiin, kadib markii la laalay doorashadiisa.

Doorashada kursigan oo ay deegaan doorashadiisa aheyd Beledweyne ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho oo haatan si KMG ah loogu soo wareejiyay.

Laba musharrax oo kaliya ayaa isku diiwaangeliyay tartanka kursigan, kadib musharrxiinta kale ay ka biyo diideen doorashada, kuwaas oo cabashadooda la wadaagay warbaahinta.

Musharixiinta tegay hoolka doorashada ayaa kala ahaa Dr. Maxamed Sheekh Axmed Maxamed iyo Cabdirisaaq Bukhaari Axmed, sida uu shaaciyay guddiga doorashada.

“Kursiga tirsigiisu yahay GSH#086 oo doorashadiisu ka qabsoontay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku tartamayay labada murashax ee kala ah Cabdirisaaq Bukhaari Axmed iyo Dr. Maxamed Sheikh Axmed Maxamed,” ayaa lagu yiri qoraa kasoo baxay guddiga.

Inta uusan bilaaban tartanka ayaa waxaa tanaasulay Cabdirisaaq Bukhaari Axmed, waxaana kadib codeyn gacan taag ah loo qaaday musharixii kale oo soo baxay.

Dr. Maxamed Sheekh Axmed Maxamed ayaa helay 98 cod, wuxuuna sidaas ku noqday xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, isaga ooo ku soo baxay kursigii Fahad Yaasiin.

“Wadarta Ergada soo xaadirtay kooramka ayaa ahayd 98. Codaynta Doorashada markii la gudogalay ayaa waxaa tanaasulay Cabdirisaaq Bukhaari Axmed, sidaasna waxaa gacantaag loogu codeeyay Maxamed Sheikh Axmed Maxamed. 98 ayaa tiri HAA, mana jirin wax diiday ama ka aamusay. Sidaas ayuu Dr. Maxamed Sheikh Axmed Maxamed ku helay 98 cod oo kamid ah tirada ergada ee kooramka fadhiday, kuna noqday Guulaystaha Kursiga tirsigiisu yahay GSH#086. Waxaan Dr. Maxamed Eebbe uga baryaynaa inuu ku asturo xilka culus ee loo doortay,’ ayaa lagu yiri natiijada uu shaaciyay guddiga qabtay doorashada kursigaas.

Si kastaba, waa kursigii saddexaad ee doorashadiisa la qabanayo, waxaana ka horreeyay oo horay loo soo buuxiyay kuraastii ay banneeyeen ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre iyo Taliyaha Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Mahad Maxamed Salaad.