Dab dhulka la simay Magaalo dhan +SAWIRRO

436

Magaalo dhinac weliba looga soo dalxiis tegi jiray dunida ee dadkeedu ay faraxsanaayeen ayaa todobaadkan ka kacay dab xoog badan, Waxayna magaaladii noqotay mid halaagsantay.

Dadkii ku noolaa magaalada Lahaina oo ka tirsan dalka Mareykanka ayaa noqday kuwo cararay, kuwo diyaarado lagu qaaday iyo kuwo dhintay.

Waxaa ay madaxda Mareykanka sheegayaan Dab noocani oo kale ah oo ilaa magaalada oo dhan saameyn ku yeeshay aysan weligood horey u arag’. Si kooban loo dhigana Magaalo xeebeed qurux badneyd ayaa dambas noqotay, Waxyaabaha dabka keenayna ilaa iyo hadda waa mid la isku khilaafsan yahay.

Tirada dhimashada dabka ka kacay kaymaha Maui oo ku taalla Jasiiradda Marayknka ee Hawaii ayaa gaartay 93 qof, taasoo ka dhigaysa tii ugu dhimashada badnayd muddo ka badan qarni, waxayna u muuqataa in tiradaasi sii kordhi doonto maalmaha soo socda maadaama qolyaha badbaada oo wata eeyaha wax uriya ay sii wadaan inay raadiyaan maydad kale.
Burbur baaxad leh ayaa gaaray dhismayaal deegaanka ku yaala, iyadoo gawaari badan ay dhalaaleen kaddib markii uu dab qabsaday. Dadka ayaa lagasoo gurayaa biyaha badda oo ay badbaado ka doonteen.

Qiimaha dib loogu dhisi karo magaalada Lahaina oo ah magaalo dabku baabi’iyay ayaa lagu qiyaasay $5.5 bilyan, waxa burburay kaabayaal dhaqaale oo gaaraya 2,200, iyadoo dhul beereed gaaraya 850 hiktar uu gubtay.