DAAWO:-Nabadoon Xaad oo war kajawaabay hanjabaaddii odayaasha Murusade ee shabaabka lajooga

406

Guddoomiyaha odayaasha dhaqanka ee beelaha Hawiye Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ah odayaasha beesha Murusade ee ku sugan Dhuusamareeb ayaa qabtay shir jaraa’id.

Nabadoon Xaad ayaa faahfaahin ka bixiyey xaaladihii ugu dambeeyey ee howlgallada kagu xoreynayo dhulka ay degto beesha Murusade ee bariga gobolka Galgaduud.

Nabadoonka ayaa sheegay inay saacadihii lasoo dhaafay hadleen odayaal kasoo jeeda beesha Murusade oo Al-Shabaab ay qasbeen.

Wuxuu sheegay in warka ka soo yeeray odayaashaas aysan waxaba u arkeyn, isagoo odayaasha jooga Ceelbuur iyo Galhareeri u sheegay inay sameeyaan wax kasta oo naftooda ay uga badbaadsa karaan cadowga heysta dhulka ay joogaan.

“Waxaan aragnay odayaal ay qasbeen oo ka hadlaya deegaanada ay Khawaarijtu joogto, anagu hada waxaba uma aragno hadalkooda, laakiin waxaan leenahay walaalayaal sameeya wax kasta oo naftiinu ay ku badbaadeyso, waxaana idinkugu bishaareynayaa in mar dhow ay dowladnimadu idin soo gaar doonto,” ayuu yiri Nabadoon Xaad.

Xaad ayaa dadkiisa u cadeeyey in aysan jirin beel kale oo duulaan ku ah deegaanadooda, sidoo kale wuxuu sheegay inay heli doonaan nolol ka qurxoon tan ay heysteen 15-kii sano ee Al-Shabaab ay joogeen deegaanadooda.

Sidoo kale mabadoonka ayaa bogaadiyey howlgallada ciidamada qaranka ee ka socda deegaano badan oo ka tirsan Galgaduud oo hoos taga Ceelbuur iyo Galhareeri, kuwaas oo maanta lagu dilay Shabaab badan.

Ugu dambeyntii Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa sheegay inay Dhuusamareeb ka wadaan abaabul dagaal oo xoog leh oo ku wajahan Ceelbuur iyo Galhareeri, isagoo ugu bishaareeyey dadkiisa inay xoriyad buuxda heli doonaan maalmaha soo socda.