Sawirro: Xubno Shabaab ah oo lagu dilay Dhuusamareeb

212

Ciidanka deegaanka ee ka howlgala aagga deegaanka Bulacle ee gobolka Galgaduud ayaa maanta soo afjaray koox Shabaab ah, iyagoo dilay seddax dagaalame, mid kalena nolosha ku qabtay.

Sidoo kale Mooto FEKON ah iyo ugu yaraan hal qori oo AK47 ah ayaa howlgalkaas looga furtay Khawaarijta Khawaarijta Al-Shabaab.

Saraakiisha hoggaamineysay ciidanka fuliyey howlgalkaas ayaa warbaahinta u sheegay in kooxdaas oo sideed dagaalame ka koobneed ay ku baacsadeen dhulka howdka ah ee deegaanka Bulacle.

Ciidanka ayaa ku guuleystay inay dilaan seddax ka mid ah, halka mid kale ay nolosha ku qabteen mid ka mid ah meydadkaas oo dhaawac ay goobtii uga soo qaadeen, balse dib ka dhintay iyo mid maxbuus ah ayaa maanta lagu bandhigay Bulacle.

Saraakiil ka kala tirsan ciidanka deegaanka, hey’adda NISA, xoogga dalka iyo masuuliyiin uu hoggaaminayo guddoomiyaha Dhuusamareeb Macalin Cabdiraxmaan Geedaqorow ayaa gaaray deegaanka Bulacle oo lagu soo bandhigay meydka iyo maxbuuska Shabaab-ka ah.

Guddoomiyaha Dhuusamareeb oo warbaahinta kula hadlay deegaanka Bulacle ayaa balan qaaday in isagoo ka wakiil ah Galmudug iyo dowladda federaalka ay abaal-marin iyo dalacsiin guddoonsii doonaan ciidankii fuliyey howlgalkaas guuleystay.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in ayagu ay lahaa doonaan oo cid kala wareegeysa aysan jirin askartii furatay qoryaha iyo mootada ay Shabaab wateen.

Dhankiisa guddoomiyaha dhalinyarada Dhuusamareeb Calas Cabdinuur Barre oo ka mid ahaa masuuliyiintii ciidankaas bogaadinta ugu tagtay ayaa amaan iyo mahad celinta ciidanka kadib wuxuu digniin u diray dad uu sheegay inay carqaladeynayaan howlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta.
Guddoomiye Calas ayaa u digay dad uu sheegay inay qabyaaladeeyaan Khawaarijta markii la dilo, kuwaas oo dakano qabiil u bedela xubnaha howlagallada looga dilo Al-Shabaab, arrintaas ayaa ku badan aagga deegaanada Bulacle iyo Ceel-lahelay.