Maraykanaka oo askar badan laga dilay kuwo badane laga dhaawacay

280

Saddex askari oo Maraykan ah ayaa la dilay in ka badan 30 kale oo ka tirsan ciidamada Maraykankana waa ku dhaawacmeen ka dib markii dagaalyahanno la tuhunsan yahay inay taageerto Iran ay weerar diyaaradeed ku qaadeen saldhig yar oo Maraykanku ku leeyahay dalka Urdun, sida ay sheegeen saraakiil Maraykan ah.

Diyaaradan oo nooca aan duuliyaha lahayn ah ayaa ku degtay meel u dhow xaafado ku yaalla saldhigga, oo ku dhaca meel u dhow xadka Suuriya, sida ay sheegeen laba sarkaal oo Maraykan ah.

Ugu yaraan 30 ka mid ah askarta ayaa loo daad gureeyay si loogu dabiibo, sida ay saraakiishu sheegeen, waxaana la filayaa in tirada dhaawaca ay sii korodho iyadoo askar badan ay daweyn raadsanayaan.

Dhimashada askarta Mareykanka ayaa ah tii ugu horreysay ee saldhigyada Mareykanka ee Bariga Dhexe tan iyo markii uu bilowday dagaalka Gaza, iyadoo Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu wacad ku maray in lala xisaabtami doono kuwa mas’uulka ka ah

Weerarkan ayaa yimid ka dib toddobaadyo uu Maraykanku diiradda saarayay ka hortagga dagaal ku fida gobolka.

Weerarkan ayaa ka dhacay Tower 22, oo ah saldhig yar oo u dhow xudduudda Suuriya. Ciidamada Mareykanka ee ku sugan xerada ayaa halkaas u jooga qayb ka mid ah “talo-bixinta iyo caawinta” howlgalka Jordan.

Ma cadda sababta ay difaacyada hawadu ugu guul-darreysteen inay ka hortagaan diyaaradda aan duuliyaha lahayn, taasoo u muuqata inuu yahay weerarkii ugu horreeyay ee la ogaado ee lagu qaado Tower 22 tan iyo markii weerarrada lagu qaaday ciidamada Maraykanka iyo kuwa isbahaysiga ay billawdeen 17-kii Oktoobar.

Biden ayaa loo sheegay dhimashada weerarkan isagoo ku sugan South Carolina, halkaas oo uu u joogo ololaha doorashada muddo xileedkiisa labaad

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Kamala Harris ayaa sidoo kale bayaan ka soo saartay sheegtay in iyada iyo seygeeda ay u baroor diiqayaan askartii lagu dilay Weerarkan

Waxaa jiray weeraro badan oo lagu qaaday ciidamada Maraykanka iyo kuwa isbahaysiga ee Ciraaq iyo Suuriya dhawaan, taasoo keentay tobanaan dhaawacyo ah.