Xildhibaanki shaqada geeyay ninka xaaskiisa gubay oo hadlay+VIDEO

206

Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadlay kiiska ninka gubay xaaskiisa ee haddana baxsaday, kaas oo ay baadi goobayaan ciidamada, si loo horgeeyo cadaaladda.

Xildhibaanka ayaa soo hadlay, kadib markii eedeyn culus oo loo jeediyay, taas oo ah inuu isaga garoonka ka shaqaaleysiiyay eedeysane Sayd Cali Macallin Daa’uud.

Siyaasiga caanka ah Cali Yare Cali oo ka hadlayay arrintaan ayaa yiri “Eedesanaha mijrimka ah waa inuu dhalay macalin Daa’uud oo ahaa macalin dugsi. Beeshiisu waa Bah-Abgaal, Saleebaan/Habargidir. Wuxuu ka shaqeeynayay garoonka Aden Abdulle gaar ahaan maqaayad garoonka ku dhextaalla oo uu leeyahay xildhibaan Xildhibaan Saabir Shuuriye”

Sidoo kale wuxuu raaciyay “Haddii cadaalad la doonayo waa in laamaha amnigu ay u yeeraan xildhibaanka, laguna qasbo inuu keeno eedeeysanaha mujrimka ah ee uu damaannadiisa ku qornaa”.

Intaas kadib xildhibaan Saabir oo wareysi siiyay Shabelle Tv ayaa ka jawaabay eeddan, wuxuuna sheegay inuu eedeysanaha uu kamid ahaa dad uu damiintay, maadaama uu xildhibaan u yahay, balse waxa uu ku dooday in damaanaddu aysan ahayn shaqsiyadiisa, maadaama dhibka uu ka dhacay gurigiisa oo uusan ka gaysan shaqadii uu geeyay.

“Say Cali wuxuu kamid yahay dadka damiinta la’iisoo weydiiyay macnaheeduna ma’ahan inaad shaqsiyan damaanad uga noqoto, damaanadda waxaan u maleynayaa dadka khalad ayay ka fahmeen marka laga soo tago falka uu gaystay in uusan ka gaysan goobta shaqada oo fal gurigiisa iyo wax la xariira uu ka dhacay uu yahay, xildhibaana uu damaanad ka noqon korin” ayuu yiri Xildhibaan Saabir Shuuriye.

Xildhibaanka ayaa xusay in howshan iyo wax ka qabashadeeda ay u taallo hay’adaha amniga dowladda, isaga oo ballan qaaday inuu la shaqeyn doono.

“Shaqadaan waa shaqada amniga, aniguna waan kala shaqeeyay meel fiican ayayna mareysaa insha allah inta dhimana waa soo dhameystirmeysaa” ayuu mar kale yiri.

Waxaa kale oo uu kusii daray “Ninkan wuxuu ka dhashay ehel culima ah iyagaana dadka ugu horreeyo sida loo soo qaban lahaa, si ay isaga bari yeelaan dambigaasi fowsha xun oo wiilkoodu u gaystay xaaskiisa, loona marsiiyo waxa uu mudan yahay”.

Ugu dambeyn wuxuu farriin iyo taciba u diray ehellada marxuumad Luul Cabdicasiis, isaga oo u ballan qaaday inay heli doonaan cadaalad, lana soo qaban doono eedeysanaha.

“Ninka sameeyay in magaalada ku baxsado oo la hoosaaseeyo ma aqbaleyno, iyagana intaas oo kale ayaan u ballan qaadayaa, una sheegayaa waa wax yar waxa dhiman idamka ilaahey waa lasoo qaban doonaa cadaaladdana waa la horgeyn doonaa” ayuu yiri Saabir.