Xasan oo si adag uga hadlay wax ka bedelka Dastuurka +VIDEO

211

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo maanta khudbad dheer salaadii Jimcaha kaddib ka jeediyay masjidka Madaxtooyada ayaa kaga hadlay arrimo badan oo khuseeya xaalada dalka, waxa uuna si gaar ah diirada ugu saaray wax ka bedelka Dastuurka.

Xasan Sheekh ayaana si adag uga hadlay xiisada ka dhalatay wax ka bedelka Dastuurka oo xilligan diidan yihiin siyaasiyiin saameyn badan leh ay ku jiraan madaxdii isaga ka horreysay ee Farmaajo iyo Sheekh Shariif.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha in Dastuurka uu sannado badan qabyo ahaa loona baahan yahay xilligan in horey loo dhaqaajiyo oo la meel mariyo, waxa uuna sheegay in qabyo tirka Dastuurka uu wax badan u tarayo dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaana sheegay in madaxdii isaga ka horreysay ee Farmaajo iyo Shariif oo xildhibaano ah looga baahan yahay in waajibkooda ka gutaan Dastuurka KMG ee hadda wax ka bedelkiisa Baarlamaanka ka doodayeen.

“Masuuliyiinta maanta hadlaya qaarkood waa xildhibaano waajib waxaa loogu leeyahay Alle hortiis inta ay yimaadan baarlamaanka ay ra’yigooda meesha ka dhiibtan, baarlamaan wuxuu baarlamaan ku yahay nidaamkiisa in uu raaco,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh

Xasan Sheekh ayaa sheegay in nidaamka cusub ee lagu beddelayo haykalka dowladnimada iyo hanaanka arrimaha ay ku timid diidmo ka dhalatay hanaanka hadda, taasi oo uu sheegay inay ka timid dowlad-goboleedyad.

“Sidii hore hadaa rabin oo dowlad-goboleedkii uusan rabin, oo heshiiskan waxaa keenay hoggaanka dowlad-goboleedka oo waxaa lagu saleeyay wixii shalay laga bartay doorashadii dhacday. Mid sidaa isku dooran jirnay ka fiican ayaa isku dooran doona laakiin weli in lasii hormuriyo usii baahnan doonta ayaa isku dooran doona, waana dowladnimada.”ayuu yiri Madaxweynaha.

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamanaka Federaalka ayaa muddooyinkii dambe ka doodayay wax ka bedelka Dastuurka, waxaana dhawaan la filayaa in xildhibaanada ay meel mariyaan wax ka bedelka Dastuurka KMG ee dalka u yaalla.

Madaxdii hore ee dalka soo maray qaarkood ayaa si weyn uga soo horjeeda waxka bedelka Dastuurka ee Baarlamaanka horyaalla, waxaana Farmaajo iyo Shariif oo horkacaya siyaasiyiinta diidan qorshahan hadda joogaan Puntland halkaas ay kula hirayaan Siciid Deni.