Kulane Jiis oo loo haysto dilka Ikraan Tahliil, Yariisow, Galaal iyo Xil. Aamina+DAAWO

144

Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka HirShabeelle Sheekh Cismaan Barre ayaa dunuub adag ku eedeeyey Xildhibaan Cabdullahi Kulane Jiis, isagoo sheegay inuu dilay Guddoomiye Cabdiraxmaan Injineer Yariisow, Jeneraal Galaal, Ikraan Tahliil iyo Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi.

Wuxuu sheegay in shalay uu afkiisu soo qabtay Injineer Yariisow isagoo iska dhigay nin jaceyl walaalnimo u qabay, balse wuxuu sheegay in isagu uu wax ka soo qorsheeyey dilkiisa.

“Dhamaan dadka aan soo tiriyey waxaa dilkooda qorsheeyey dad qalatadii uu Kulane u adeegi jiray ee Farmaajo u weynaa, waxaan xaqiijinayaa in dadka aan soo tiriyey ay laayeen ragaas, waxaan maanta ku tilmaami lahaa dad qalato,” ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Cismaan Barre.

 

Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka HirShabeelle ayaa dowladda federaalka ka codsaday in Cabdullahi Kulane iyo raggii kale ee dilalka geystay xasaanadda laga qaado oo la maxkamadeeyo, isagoo sheegay inay ku cadyihiin dilalka dadkii uu soo tiriyey iyo kuwo kale oo la waayey.

Cabdullahi Kulane ayaa xalay ka hadalay qabuuraha ay Iskuul Buluusiya ka rareyso dowladda federaalka Soomaaliya, isagoo sheegay in Xasan Sheekh iyo kooxdiisa u uku dhacay qamaam, isla markaana ay dhacayaan cid kasta oo dhul leh.

Sheekh Cismaan Barre ayaa u jawaabay “War ina Kulanow qabuuraha aad ka hadleyso dadkii aad leysay ayaa ku duugan, qaar gacantaada ayaad ku dishay, qaarna adigaa sababay inay dhintaan, dhiig ayaad faraha kula jirtaa markaas ayaad qabuuro ka hadleysaa,” ayuu yiri.

 

Sidoo kale guddoomiye hore Sheekh Cismaan ayaa sheegay inay banaantahay in qabuurahaas Meesha laga saaro, maadaama dhulka ay u soo baahatay dowladda oo markii hore laheyd, Ahaana dhul danguud ah.

“Anigu culimada ayaan ka mid ahay, dhulkaas in la baneeyo waxaa fatwootay culimada, mana banana in meydka lagu duugo dhul aadan milkiyadiisa laheyn ama aan la waqfin, marka abaabulka ka dhaafa dadkaan dowladoodu waa ixtiraameysaaye, umadda Soomaaliyeed haka digtoonaato nimankaan,” ayuu yiri Sheekh Cismaan Barre.