Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ayaa ugu dambeyn gacanta kusoo dhigay eedaysane Maxamed Abshir Muuse oo dhowaan magaalada Boosaaso ku dilay Allaha u naxariistee guddoomiye ku xigeenkii maamulka iyo maaliyadda Jaamacadda Bariga Afrika Khaalid Cali Khaalid Aw-Muuse.
Warsaxaafadeed kasoo booliska Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in soo qabashada eedeysanaha ay ka qayb qaateen odayaasha deegaanka, isla markaana cadaaladda la horgeyn doono.
Sidoo kale booliska ayaa farriin u diray shacabka, wuxuuna ugu baaqay inay soo sheegaan wax kasta oo lid ku ah nabad-gelyada.
Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka:
01-August-2024 Ciidanka Amniga Puntland oo kaashanaya odayaasha beesha eedaysane Maxamed Abshir Muuse oo Magaalada Boosaaso horay ugu dilay 29-July-2024 Alle ha u naxariistee guddoomiye kuxigeenkii maamulka iyo maaliyadda Jaamacadda Bariga Afrika Khaalid Cali Khaalid Awmuuse.
Eedaysanaha ayaa gacanta lagu soodhigay 6:00 Subaxnimo waxaana ciidanka amaanka oo kaashanaya odayaasha dhaqanka ku qabteen deegaanka Durduri.
Eedaysanaha ayaa lahorgayn doonaa Maxkamadda awooda uleh qaadista kiiskiisa.