Soomaaliya iyo Masar oo heshiis Iskaashiga Difaaca iyo Amniga kalasaxiixday

91

Dowladaha Soomaaliya iyo Masar ayaa maanta magaalada Qaahira ee Caasimadda dalkaas ku kala saxiixday heshiiska Iskaashiga Difaaca iyo Amniga, kadib shir muhiim ah oo dhexmaray labada madaxweyne iyo wasiiro ka kala socday labada dowladood.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhigiisa Masar Cabdifatax El- sisi ayaa si wadajir ah u xaqiijiyay in heshiiska iskaashiga difaaca iyo amniga labada dal uu yahay talaabo muhiim ah oo kor loogu qaadayo amniga iyo xasilloonida gobolka.

“Heshiiskan cusub ee difaaca ayaa waxa uu dhabbaha u xaari doonaa iskaashi dhow oo ay yeelan doona wasaaradaha difaaca iyo amniga labada dal, waxaana lagu balamay in la fuliyo qorsheyaal wadajir ah oo lagu xoojinayo awoodda difaaca iyo amniga ee Soomaaliya” ataa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay dowladda Masar sida cad oo ay uga hortimid damaca Itoobiya ay ku dooneyso qeyb ka mid ah biyaha iyo dhulka Soomaaliya.

Xiriirka Soomaaliya iyo Masar waa mid adag oo iskaashi walaaltinimo, waxaana ku amaanayaa Dowladda Masar mowqifka cad ee ay ka istaagtay fara-galinta Itoobiya ee madax-bannaanida dhuleed iyo midnimada Jamhuuriyadda Soomaaliya” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu dambeyntii heshiiskaan ay maanta kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Masar ayaa kusoo aadaya, iyadoo shalay lays ku mari waayay wadahadaladii magaalada Ankara uga socday Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xariiray heshiiskii ee Itoobiya la gashay Somaliland bilowgii sanadkaan.