Xasan Sheekh oo 40 arday gaaraysa waxbarasho jaamacadeed oo PhD ah u diray +VIDEO

112

40 Arday oo fursad waxbarasho oo PhD ah uu Madaxweyne Xasan Sheekh ka siiyey Jaamacadda Nabadda Qaramada Midoobay ayaa aqoon kororsi loogu diray dalka Uganda.

Ardaydaan ayaa maanta diyaarad looga qaaday magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxayna koorso aqoon kororsi ah ku soo qaadanayaan Jaamacada Makarera ee dalka Uganda.

Dhamaan gobollada dalka ayey ka kala yimaadeen 40-ka arday ee aqoonyahanada ah ee ka faa’iideystay safarkaan aqoon kororsiga ah ee dalka Uganda ay ugu baxeen.

Ardayda baxday oo warbaahinta kula hadashay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud uga mahad celiyey fursadaan qaaliga ah ee uu siiyey.

Aqoonyahan kasta waxa uu maanta sheegay deegaanka uu ka yimid, sida uu dareenkiisu yahay taqasuskiisa iyo waxay kaga dhigan tahay fursadaan uu siiyey Madaxweyne Xasan Sheekh oo horay uga baxay Jaamacadaan.

Madaxweynaha ayaa xafladii qalinjebintiisa ka balan-qaaday in jaamacadda uu ka bixinayo ilaa 100 aqoonyahan oo qaadanaya heerka 3-aad ee waxbarashada Jaamacadda PhD.

Jaamacadda Makareri ee dalka Uganda ayaa lagu qaadanayaa koorsooyinkaas aqoon kororsiga ah, in kastoo aan warbixintan lagu shaacin inta ay soconeyso ama ardaydaan ay ku maqnaaneyso.