Ehelada dadkii ku dhintay weerarkii Liido oo deeq lacageed looqeybiyay

99

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa kaalmo lacageed gaarsiiyay qaar kamid ah dadkii dhawaan ku waxyeeloobay weerarkii bahalnimo ee ka fhacay xeebta Liido.

Guddiga gurmadka qaran ee qaraxii Liido ayaa xarunta qaran ee howl-gallada gurmadka deg-degga ah ee hay’adda maareeynta musiibooyinka kula kulmay ehellada dadkii ku naf-waayay weerarkii argagaxiso ee billowgii bishaan ka dhacay xeebta Liido.

Guddiga ayaa min $2000 oo doolar oo taakulo ah guddoonsiiyay ehellada 36 qof oo ku dhintay weerarkaas.

Sidoo kale waxay ballan-qaadeen in aan intaas looga hari doonin oo si gaar ah dowladda Soomaaliya kaga war-qabi doonto dhammaan walaalaha wax-yeelladu gaartay.

Guddiga ayaa sidaan oo kale, hore qoondo lacageed u guddoonsiiyay dadka dhaawacyadu ka soo gaareen weerarka fulaynimada ah ee argagaxiso.

Guddoomiye Maxamuud Macalin Cabdulle oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay sii wada doonaan kaalmeynta dadkii waxyeeloobay qaraxaasi, isagoo ka digay wax uu ku sheegay “been abuurka baraha bulshada.”

“Waxaa jira kuwo aan bahda warbaahinta ka tirsaneyn oo Facebook-yada wax ku qora ilaahayna aan ka baqeyn oo marka loo gurmanayo dadka Soomaaliyeed been u sheega gurmadka socdana aan ka qeybqaadan,” ayuu yiri guddoomiyaha SODMA.