Aqriso Magacyada iyo qabiilada xildhibaanada xasaanadda laga qaadayo

133

Waxaa socda qorshe xasaasi ah oo xasaanadda looga xayuubinayo 20 xildhibaan oo ku dhiiraday inay taageeraan Itoobiya oo duulaan ku ah qaranimada Soomaaliya, xildhibaanadaas oo loo heysto dembi qiyaano qaran.

Waxaa Muqdisho ka socda kulamo xasaasi ah oo ku saabsan arrintaan, liiska 20-kaan xildhibaan ayaa loo gudbiyey guddoonka golaha shacabka, waxaana suurtagal ah in arrintaan waanwaan laga galo, maadaama ay socdaan dadaalo badan, xildhibaanada qaarna ay sheegeen inay qaldameen oo raali gelin bixinayaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mid kamid ah 20-kaas Xildhibaan xafiiskiisa ka eryey, waxaana Cabdirashiid Jily oo akhriyey warsaxaafadeedkii xildhibaanada ka soo jeeda Koonfur Galbeed ee taageeray Itoobiya, Xildhibaan Cabdirashiid ayaa ahaa Ergeyga Madaxweynaha u qaabilsan arrimaha caafimaadka.

Liiskaan hoose ka akhriso magacyada iyo qabiillada 20-ka xildhibaan ee qarka u saaran in xasaanada laga xayuubiyo ee lagu soo oogo dembi qiyaano qaran ah:

1. Xildhibaan Dr. Abdirashid Mohamed Nor (Jilley) Mirifle/Jiroon
2. ⁠Xildhibaan Alwiya Sayid Abdullahi 
Digil/Geledi
3. ⁠Xildhibaan Luul Ibrahim Omar Hassan  
Digil/Dabare
4. Xildhibaan Sahur Haji Ulusow Hassan 
 Digil/Shanta Caleemood
5. ⁠Xildhibaan Abdirahman Isaaq Mohamed 
Mirifle/Eylo
6. ⁠Xildhibaan Abdikadir Abdirahman Dhure 
Digil/Garre
7. ⁠ Xildhibaan Ali Sheikh Mohamed Nur 
Digil/Shanta Caleemood
8. ⁠ Xildhibaan Hassan Abdi Noor Abdi Mirifle/Geledle
9. ⁠ Xildhibaan Maryan Mohamed Ali – Digil/Jiido
10. ⁠ Xildhibaan Mohamed Adan Mohamed 
Mirifle/Heledi
11. ⁠ Xildhibaan Mohamed Wardere Adan 
Mirifle/Reer Dumaal
12. Xildhibaan Sadiq Abdullahi Abdi Hassan 
 Mirifle/Hubeer
13. ⁠ Xildhibaan Aweys Hussein Moalim 
 Beesha Shanaad/Hintire
14. ⁠ Xildhibaan Abdalla Hussein Ali 
Dir/Biimaal
15. ⁠ Xildhibaan Farhia Mohamed Abdi 
Dir/Biimaal
16. ⁠ Xildhibaan Abdullahi Mohamed Ali Mirifle/Yantaar
17. ⁠ Xildhibaan Mukhtar Ahmed Hassan Saajid Hawiye/Wacdaan
18. ⁠ Xildhibaan Abdulkadir Sh Ali Baraka 
Mirifle/Garwaale
19. ⁠ Xildhibaan Ahmed Mashruuc 
 Daarood/Ogaadeen
20.  Xildhibaan Mohamed Hassan Mohamed Murjaan 
Digil/Tunni