DAAWO:-Nin xaaskiisa niman kale inay kufsadaan ushir qooli jiray oo laqabtay

93

Nin ayaa maxkamad lagu soo taagay dalka Faransiiska kadib markii lagu soo eedeeyay in uu si joogto ah u dhulka ugu jiiday islamarkana uu kufsi ugeystay xaaskiisa iyo sidoo kale in uu u diyaariyay tobaneeyo rag kale ah si ay u kufsadaan.

Eedeysanaha, oo lagu magacaabo Dominique P, oo 71-jir ah, ayaa lagu eedeeyay inuu dad uusan aqoon online ka qori jiray si ay gurigiisa ugu yimaadaan oo uu u faraxumeeyaan xaaskiisa muddo toban sano ka badan.

Haweeneyda ayaa la siin jiray daroogo suuxisa, kama aysan warqabin xadgudubka soo noqnoqda, sida ay sheegeen qareenadeeda.

Kiiskani ayaa noqday mid ay argagax galiyay dadka Faransiiska oo la yaabay baaxadda dembigan.

Booliska ayaa ogaaday ugu yaraan 92 la kufsaday haweeneydan taasi oo ay geysteen 72 nin. Ilaa 50 qof ayaa la aqoonsaday oo dacwado lagu soo oogay, waxaana la maxkamadeynayaa sidoo kale ninkeeda.

haweeneyda kufsiga loo gaystay, oo hadda 72 jir ah, ayaa ka war heshay xadgudubka 2020 ka dib markii ay ku wargeliyeen booliiska.

Maxkamadeyntu waxay u noqon doontaa “mid argagax leh ” iyada, ayuu yiri qareenkeeda Antoine Camus, maadaama ay noqon doonto markii ugu horreysay oo ay aragto caddeymo muuqaal ah oo ku saabsan xadgudubka.

“Markii ugu horeysay, waa inay ogaato kufsiga ay u dulqaadatay in ka badan 10 sano,” ayuu u sheegay wakaalada wararka ee AFP.

Dominique P ayay booliisku baareen ka dib dhacdo bishii Sebtembar 2020, markaas oo waardiyiha uu ku qabtay isaga oo si qarsoodi ah filim uga duubaya saddex dumar ah oo ku sugan xarun laga dukaansado.

Booliska ayaa ka dib kombiyutarkiisa ka helay boqolaal sawiro iyo muuqaalo ah xaaskiisa oo ay u muuqatay mid suuxsan.

Sawirada ayaa lagu eedeeyay inay muujinayaan tobanaan xadgudub oo ka dhacay guriga lamaanaha. Xadgudubka ayaa lagu eedeeyay inuu bilowday 2011-kii.

Baarayaasha ayaa sidoo kale ka helay wada-sheekeysi ku saabsan goob wepsite ah kaas oo Dominique P lagu eedeeyay inuu shaqaaleysiiyay dad uusan garanayn si ay ugu yimaadaan gurigooda oo ay kufsadaan xaaskiisa.

Wuxuu u qirtay baarayaasha inuu xaaskiisa siiyay dawooyin awood leh, oo ay ku jiraan daroogo walwalka dhimaysa.

Waxaa lagu eedeeyay in uu ka qeyb qaatay kufsiga, muuqaalladana uu ka duubay iyo in uu ragga kale ku dhiirigeliyay in uu u adeegsado erayo bahdil ah, sida ay sheegeen dacwad oogayaasha.

Ma jirto wax lacag ah oo lagu eedeeyay in la kala qaatay.

Eedaysanayaasha kufsiga loo haysto – oo da’doodu u dhaxayso 26 ilaa 74 – waxa ay ka kala yimaaddeen qaybaha kala duwan ee bulshada, halka intooda badan hal mar ay ka qaybqaateen, qaarkood waxa ay ka qayb qaateen ilaa lix jeer, sida ay sheegeen dacwad oogayaasha.

Qareenka eedeysanayasha ayaa sheegay inay caawinayeen lamaanaha inay ku noolaadaan baashaal ah laakiin Dominique P ayaa u sheegay baarayaasha in qof walba uu ka warqabay in xaaskiisa la daroogeeyay iyadoon ogeyn.

Khabiir ayaa sheegay in xaladooda aysan hurdo oo kali ah aysan ahayn ee “uu u dhawaa koomo.

Dominique P, oo sheegay in la kufsaday markii uu sagaal jir ahaa, ayaa diyaar u ah inuu wajaho “qoyskiisa iyo xaaskiisa”, qareenkiisa Beatrice Zavarro ayaa sidaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.

Waxaa sidoo kale lagu soo oogay dacwad dil iyo kufsi 1991-kii, taasi oo uu diiday, iyo isku day kufsi oo dhacay 1999-kii, kaas oo uu qirtay ka dib markii la baaray dhiiga hidda sidaha ee DNA.

Maxkamadeynta, oo ka socota Parc des Expositions ee Avignon, koonfurta Faransiiska, ayaa socon doonta ilaa 20-ka Dicember.

Maalintii Isniinta, oo ahayd maalintii la furayay dacwadda, haweeneyda ayaa timid maxkamadda iyada oo ay taageerayaan saddex carruur ah oo ay dhashay, sida ay sheegtay AFP.

Mr Camus, oo ah qareenkeeda, ayaa sheegay in ay dooran kartay maxkamad albaabadu u xiran yihiin, laakiin “taasi waa waxa ay rabeen kuwii iyada soo weeraray”.

HALKAN KA AQRO SHEEKADAN