Xamza oo maanta tegaya Baydhaba

68

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta kusii jeeda magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Xamza ayaa Baydhaba u tegaya sidii uu wada-hadallo ula yeelan lahaa madaxweynaha Koonfur Galbeed oo haatan khilaaf xoogan uu kala dhexeeyo Villa Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in Xamza uu diray madaxweyne Xasan Sheekh, isla markaana uu wakiil uga noqon doono dhex-dhexaadin la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda taagan ee ka dhalataya arrimaha Itoobiya.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ku qancin doono madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen inuu yimaaDo magaalada Muqdisho, loona ambaqaado xalinta arrimaha taagan iyo tabashada ay qabto Koofur Galbeed.

Xiisaddan ayaa cirka isku shareertay dhowaan, kadib markii maamulka Laftagareen uu ka horyimid qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan sida loo wajayo arrinta Itoobiya, waxaana deegaanada maamulkaasi ka dhacay dibadbaxyo lagu taageeray ciidanka Itoobiya.

Sidoo kale waxaa jirtay xildhibaanada taageeray Koonfur Galbeed, kuwaas oo iyana dab ku shiday xiisadda haatan taagan oo yeelatay waji cusub, kuwaas oo u mahaceliyay Laftagareen.

25-Xildhibaan ee taageertay rabitaanka shacabkooda waxay noola mid yihiin 13-SYL, waxaan la dareenahay rabitaanka shacabka Koonfur Galbeed,” ayuu horay u yiri Lafta-gareen oo la fahamsan yahay inuu gadaal ka taagan yahay qorshaha dad Soomaaliyeed ku taageerayaan Itoobiyaanka.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, laakii arrimahan waxay kusoo aadayaan xilli haatan Koonfur Galbeed ay ku soo wajahan tahay doorasho si weyn loogu loolami doono.