Dhaqtar u gefay Diinta Islaamka oo toogasho lagu dilay

42

Ciidamo katirsan booliiska dalka Pakistan ayaa toogasho ku dilay in dhaqtar ahaa oo lagu eedeeyay in uu caayay diinta Islaamka , waxaa sidoo kale ninkan lagu eedeeyay in uu u gefay Nabbi Maxamed nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha ahaateen.

Dr Shahnawaz Kanbhar, ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku jiray dhuumasho kaddib markii uu u gefay diinta Islaamka, waxaana ninkan oo mooto saarnaa si lama filaan ah ku toogtay ciidamo booliis ah oo xilligaasi ku jiray howlgal amni xaqiijin ah.

Taliyaha booliiska deegaanka ee gobolka Sindh, Niaz Khoso, ayaa warbaahinta u sheegay in booliiska istaajiyeen mooto ay la socdeen dhaqtarka la dilay iyo nin la socday, waxa uuna xusay in durba dhaqtarka la toogtay uu rasaas kusoo riday booliiska , sidaasna ku dhacday toogashada dhaqtarka.

Waxa uu sheegay taliyaha in ciidanka booliiska ee toogtay ninkan rasaasta kusoo furay aysan ogeyn xilligaasi qofka rasaasta ku furay in uu yahay Dr Shahnawaz Kanbhar oo lagu tuhmayay in diinta Islaamka u gefay kuna jiray dhuumasho.

Ehelada dhaqtarka la dilay ayaa dhankooda sheegay in dilka uu ahaa mid la qorsheeyay, waxa ayna xuseen in iska horimaadka booliiska sheegeen in uu ahaa mid been ah oo lagu xalaashanayay dilka loo geestay ninkan loo heestay in diinta Islaamka wax ka sheegay.

Dhaqtarkan la dilay ayaa noqonaya qofkii labaad oo oo lagu tuhmayo in diinta Islaamka wax ka sheegay oo isbuuc gudihiisa lagu toogto gudaha dalka Pakistan, waxaana dalkaasi marar badan lagu dilay dad diinta Islaamka iyo Nabbi Maxamed NNKH wax ka sheegay.