Mooshin culus oo laga gudbiyay wasiir Fiqi

40

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo ka dhan ah wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo ay u jeediyeen eedeymo culus oo ku aadan shaqad wasaaradda.

Tiro kamid ah xildhibaanada Golaha Shacabka oo saxiixay mooshinkan ayaa toos ugu gudbiyay guddoonka sare ee baarlamaanka waxayna soo bandhigeen eedeymo dhowr ah.

Mooshinka ayaa ujeedkiisa waxa uu yahay in dib u eegis lagu sameeyo xilka wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Mudane Axmed Macalli Fiqi, sida ku cad nuqulka mooshinka ay gudbiyeen xildhibaannadu.

Si gaar ah waxaa wasiirka loogu eedeeyay inuu cuuryaamiyay shaqadii wasaaradda, isla markaana uu awood tiray wasiiru dowlaha iyo wasiir ku xigeenka, isla markaana uu awoodda isku soo koobay isaga oo kaliya.

Waxaa kale oo ay tilmaameen shaqooyinkii laga rabay wasaaradda arrimaha dibadda qayb kamid ah lagu wareejiyay shirkad ah oo ay xildhibaanada gudbiyay mooshinka ay sheegeen inay isticmaasho shabadda wasaaradda, taas oo lacag dheeri ah soo rogtay.

Ugu dmabeyn xildhibaannada saxiixay mooshinka ayaa guddoonka ka dalbaday in si deg deg ah dib loogu eego shaqada wasiirka, si loogula xisaabtamo shaqadiisa.