Sidee looga hadlay dilka Xasan Nasrallah

28

Kaddib marki ay Xisbullah Sabtidi shalay xaqiijisay dilka hoggaamiyahoodii Hassan Nasrahallah, ayay xalay rag hubeysani rasaas kor u ridayeen gudaha caasimadda, halka goor hore la xiray inta badan goobaha ganacsiga, iyada oo ay taageerayaasha Xisbullah sheegeen in ay galeen xaalad naxdin ah.

Bayaan ay soo saartay shalay ayay Xisbullah ku xaqiijisay dilka Nasrallah, kaddib duqeyn cirka ah oo ay habeenki Jimcihi Isra’il ku bartilmaameedsatay xarunta dhexe ee Xisbullah ee koofurta magaalada Beyrut.

Dhanka kale hoggaamiyaha gobolka iyo kuwa caalamka qaarkood ayaa ka falceliyay dilka hoggaamiyaha Xisbullah.

Wasaaradda arrimaha dibadda Iran ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay, in jidka Nasrallah “uu sii socon doona, hadafkiisana lagu xaqiijin doonaa xoreynta Qudus”.

Madaxweyne Joe Biden ayaa Sabtidii ku tilmaamay weerarka Israel ay ku dishay Hezbollah Hassan Nasrallah “cabbir cadaaladeed” kaddib afartan sano oo uu malgeeyayay buu yiri falal argagixiso. Wuxuu kaloo sheegay in muddadi uu hoggaaminayay Xisbullah, ay kooxdu mas’uul ka aheyd dilka kumannaan Mareykan ah.

Madaxweynaha Turkiga Racep Tayep Erdogan ayaa isna qoraal uu soo dhigay barta X kaga hadlay xaaladda gobolka. Isaga oo aanan xusin magaca Nasrallah, ayuu Erdogan sheegay in uu cambaareynayo weeraradi ugu danbeeyay ee Lubnan, kuwaas oo uu ku sheegay in ay qeyb ka yihiin siyaasadda Isra’il ee xasuuqa, qabsashada iyo duullaanka.

Dunida Muslimka ayuu ugu baaqay in ay muujiyaan mowqif ka badan go’aan qaadasho

Xasan Nasrallah waxaa xogyahaha guud ee Xizbullah loo doortay 1992-kii, isagoo 32 jir ah, ka dib markii diyaarad helikobter ah oo ay Israel leedahay ay dishay hoggaamiyihii ka horreeyay ee Cabaas Al-Musawi.