Madaxweyne ku xigeenka Kenya oo codsaday in lacafiyo +VIDEO

12

Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya Rigathi Gachagua oo halis ugu jira in xilka laga xayuubiyo kadib khilaaf ka dhex-qarxay isaga iyo Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa soo saaray codsi iyo raaligalin.

Madaxweyne ku xigeenka Kenya ayaa codsigaan u gudbiyay madaxweynihii Ruto Axadii maanta, isagoo sheegay in uusan garanayn wax khalad ah oo uu sameeyay, hadana uu doonayo in fursad kale la siiyo si uu ugu adeego shacabkiisa Kenya.

“Waxaan rabaa in aan ku iraahdo walaalkey, madaxweyne William Ruto, haddii aan kugu xumeeyay shaqadayada adag, fadlan i cafi,” ayuu yiri Mr Gachagua.

Madaxweyne ku xigeenka Kenya ayaa hadalkaan ka sheegay kaniisad ku taalla xaafada Karen ee magaalada Nairobi.

Rigathi ayaa ka dalbaday Ruto in uusan wax hakad ah ku samaynin,”Haddii xaaskeyga (Dorcas Rigathi) ay sinaba kuugu khaladantay fadlan qalbigaaga u fur si aad u cafiso,” ayuu hadalkiisa ku sio daray.

Sidoo kale wuxuu sheegay in uu raaligelin siiyay xildhibaanada Kenya iyo dad Kenyanka ah ee doonaya in xilka laga xayuubiyo, xilli shacabka ay ka qeyb qaadanayaan madalo ay ra’yigooda ku dhiibanayaan.

“Shacabka Kenya waxaan u sheegayaa in aan u adeegno dalka oo dhan, inta aan idiin adeegayo hadii ay jiraan wax aan sameynay ama dhahnay oo aad u aragtaan wax aan habooneyn, fadlan i cafiya,” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Kenya.

Baarlamaanka Kenya ayaa loo gudbiyey mooshin xilka looga qaadayo Madaxweyne ku xigeenka Kenya Mr Gachagua, guddoonka ayaa qabtay mooshinkaas, wuxuuna sugayaa in cod loo qaado maalmaha soo socda, hadii codsiga odaga uusan xaaladda wax ka bedelin.

Xubno ka tirsan xafiiska madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa talaadadii baarlamaanka u gudbiyay mooshin xilka looga xayuubinayo madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya Rigathi Gachagua, iyagoo ku eedeeyay inuu hurinaayo naceyb isir iyo mid guud iyo inuu dowladda wiiqayo.

Sidoo kale waxay Gachagua ku eedeeyeen inuu ku lug lahaa arrimo musuq-maasuq ah, duminta dawladda iyo ka shaqaynta siyaasad qabyaalad ku dhisan, khilaafka u dhexeeya madaxweyne Ruto iyo ku xigeenkiisa Gachagua ayaa cirka isku shareeray maalmihii la soo dhaafay.