Diyaarado lagu weeraray Tel Aviv

69

Diyaarado nuuca aan duuliyaha laheyn oo lagu rakibay gantaalo , ayaa xalay lagu weeraray magaalada Tel Aviv ee caasimadda maamulka Israa’iil, waxaana weerarkaasi fulisay kooxda Islaamiga Xamaas ee u dagaallanta xuriyadda shacabka Falastiin.

Warbaahinta Israa’iil ayaa ku warantay in diyaaradahan qaarkood ay soo galeen hawada magaalada Tel Aviv, waxaana la sheegay in mid kamid ah diyaaradahan ay ku dhaceen dhismo la degan yahay, lamana oga ilaa hadda khasaaraha ka dhashay.

Magaalada Herzliya oo ku taalla waqooyiga Tel Aviv ee caasimadda Israa’iil ayaa lagu warramayaa in ay ka go’day korontadii ayna gashay mugdi , kaddib weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee direen Xamaas uu ku dhacay magaaladaasi.

Kooxda Xamaas , ayaa awood u yeelatay in diyaarado iyo gantaallo culus ku garaacaan magaalada Tel Aviv, waxaana sii kordhaya cabsida iyo walaaca ay qabaan shacabka Israa’iil, kuwaa oo mar kasta ku carara goobo gabaad ah.