Beyle oo kubiiray Xisbiga Wadani

33

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo xubno kale oo aqoonyahanno ah , ayaa maanta si rasmi ah ugu biiray xisbiga mucaaradka Waddani uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cirro.

Siyaasigan oo kasoo jeeda gobolka Awdal , ayaa caddeeyay in uu ku biiray xisbiga Waddani uuna ku mateli doono gobolka uu kasoo jeedo, waxa uuna ugu baaqay shacabka reer Awdal in ay taageeraan codkana siiyaan xisbiga Waddani uu ku biiray.

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro, ayaa si weyn usoo dhaweeyay in xisbigiisa kusoo biiraan Wasiir hore Cabdiraxmaan Beyle iyo xubno kale oo aqoonyahano iyo siyaasiyin ah, kuwaa uu tilmaamay in muhiim u yihiin xisbigiisa.

Bisha soo socota ee November ayaa la filayaa in deegaannada maamulka Somaliland ka bilaabato doorashada hoggaanka maamulka Somaliland, waxaana doorashada si weyn ugu loolami doona sannadkan labada xisbi ee Kulmiye iyo Waddani.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Somaliland Cabdiraxmaan Beyle , ayaa kamid noqonaya siyaasiyiinta xilalka kasoo qabtay dowladda Soomaaliya ee dib ugu laabtay Somaliland kaddib markii uu cafis ka helay Madxawenaha maamulkaasi.