Liverpool Oo garaacday Chelsea +SAWIRRO

20

Kooxda Liverpool Ayaa badisay kulankii Ka dhacay Anfield kana tirsanaa premier league.

Kulanka Ayaa Anfield ku dhexmaray kooxaha Liverpool iyo Chelsea.

Kulanka Ayaa ahaa mid ay chelsea maamulaysay ciyaarta iyada oo Liverpool ciyaarayso weeraro rogaal celis ah.

Daqiiqadii 28-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 1-aad waxana rikoodhe u dhaliyay xiddiga Mohamed Salah kaas oo ciyaarta Ka dhigay 1/0.

Qaybtii dambe ayay Chelsea ku bilaabatay si dar-dar iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolka bar-baraha.

Daqiiqadii 48-aad ayay Chelsea dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Jackson kaas oo ciyaarta Ka dhigay 1/1.

Laakiin Liverpool Ayaa isla daqiiqadii 54-aadba dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Curtis Jones kaas oo ciyaarta Ka dhigay 2/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay kooxda Liverpool badisay kulanka.