Aadan Madoobe oo kuguulaystay ololihiisa

16

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa ka mira-dhaliyey dagaal uu u galay in beelah Digil iyo Mirifle ay dowladda federaalka ka helaan kursiga Ra’iisul Wasaare ku xigeen labaad.

Dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay dadaal badan ayuu bixiyey Aadan Madoobe, isagoo ugu dambeyn galabta ku guuleystay in madaxda uu ka dhaadhiciyo damaciisa.

Guud ahaan siyaasiyiinta, gaar ahaan xildhibaanada federaalka ee beelaha Raxanweyn ayaa gadaal ka riixayey qorshahaan, iyagoo mararka qaar toos ugu hanjabay xukuumadda inay ridi doonaan.

Aadan Madoobe oo hoggaaminayey ololaha beelaha Digil iyo Mirifle ayaa go’aansaday in kursigaan uu u soo dhiciyo beeshiisa wixii ka dambeeyay marki loo doortay guddoomiyaha golaha shacabka.

Jagadaan oo ay horay beeshu ugu fadhisay xiligii dowladii KMG aheyd ayaa kor u laalneyd tan iyo wixii ka danbeeyay markii uu Xasan Sheekh Madaxweynaha ka noqday dalka sanadkii 2012-kii oo dalku ka baxay ku meelgaarka.

Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa galabta Cabdisalaan Cabdi Cali u magacaabay ra’iisal wasaare ku-xigeenka labaad ee dalka, Cabdisalaan Dhaay ayaa horay u ahaa wasiirka Holwlaha guud iyo guriyeynta, wuxuuna ka soo jeedaa beelaha Digil iyo Mirifle.

Xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza ayaa noqotay xukuumaddii ugu horeysay oo yeelatay labo ra’iisul wasaare ku-xigeen, kaddib dowladdii kumeel-gaarka.

Magacaabista xilkaan ayaa waxaa muddo hortaagna ra’iisul wasaare ku-xigeen Saalax Jaamac iyo xildhibaannada gobollada Waqooyi oo ayagu u arkayay in la wiiqayo awoodooda, ayadoo ugu dambeyn ay Madaxtooyada ku qancisay inuu ka fuqo.

Saalax ayaa maalmo kahor wajahay dagaal siyaasadeed lagu dhaafin rabay kursigiisa golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo ay markii dambe soo fara-gelisay Madaxtooyada, oo ayadu guddoomiye Cabdi Xaashi ku qancisay inuu Saalax u dhaafo kursigiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horey ballan-qaad ugu sameeyay magacaabista kursigaan, oo ay ka dalbadeen siyaasiyiinta iyo xildhibaannada baarlamaanka ku metela Koonfur Galbeed, wuxuuna ra’iisul wasaare ku xigeenka labaad ee galabta la magacaabay kasoo jeeda K/Galbeed.