DAAWO:- Barcelona Oo Ka Aarsatay Bayern Munich +SAWIRRO

21

Kooxda Barcelona ayaa garaacday Bayern Munich kulan ka tirsanaa Champions league.

Kulanka ayaa ku bilowday mid ay Barcona dar-dar ku bilaabatay ciyaarta.

Daqiiqadii 1-aadba Barcelona ayaa dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Raphinha kaas oo ciyaarta hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Bayern Munich ayaa dhalisay gool waxana u dhaliyay Harry Kane laakiin goolkaas ayaaa diiday sabab la xidhiidha offside.

Laakiin daqiiadii 18-aad ayay Bayern Munich dhalisay gool sax ah waxana u dhaliyay xiddiga Harry Kane kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Kooxda Barcelona ayaa bilowday ina ay raadiso goolka 2-aad waxana daqiiqadii 36-aad goolka u dhaliyay Robert Lewandowski kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Kooxda Barcelona ayaan halkaas ku joogsan waxana daqiiqadii 45-aad goolka 3-aad u dhaliyay xiddiga Raphinha kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/1.

Daqiiqadii 57- ayuu Raphinha dhamaystiray saddexley taariikhi ah isaga oo dhaliyay goolkii 4-aad ee kooxdiisa.

Waxa sidaas ku dhawaatay ciyaarta oo ay Barcelona ka aarsatay Bayern Munich.