Jeneraal Odowaa oo markale loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Xooga dalka

25

Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa loo magacaabay taliyaha cusub ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaraaha Soomaaliya.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda JFS, oo caawa yeeshay kulan degdeg ah ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magacaabista Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo loo magacaabay S/Gaas Odowaa Yusuf Raage, si loo dardargeliyo difaaca dalka iyo ciribtirka kooxaha Khawaarijta..” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaraaha.

Jeneraal Odowaa ayaa beddelaya Jeneraal Ibrahim Muxiyidiin oo xilka haayay tan iyo 19kii June 2023 markaasi uu badelay Generaal Odowaa Yuusuf Raage oo xilkaan Taliyaha xooga horey u soo hayey muddo afar sano ah, isaga oo la magacaabay 2019-kii xiligii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Isbeddelka cusub ayaa imanaya ayada oo dowladda ay toddobaadyadii tegay sheegaysay inay billaabeyso howlgallo cusub oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo daba-yaaqadii sanadkii 2023 kooxda looga saaray deegaano badan ayaa hakad ku jira muddo bilooyin ah.

Kooxda Al-Shabaab ayaa iyana kordhisay weerarada ka dhanka ah saldhigyada ciidamada dowladda, kuwa ATMIS iyo goobaha shacabka.