DAAWO:-BF oo maanta ansixiyay gudiga doorashooyinka

43

Mudaneyaasha labada Aqal ee BJFS oo maanta yeeshay kulan wadajir ah ayaa ansixiyay habraaca fadhiyadda wadajirka ah ee ansixinta saddex hindise sharciyeed oo la xiriira qorshaha doorasho qof iyo cod ah.

Saddexdan hindise sharciyeed ayaa waxaa ku shaqeyn doono guddiga kumeel-gaarka ah ee labada aqal ee baarlamaanka dalka ee u xil-saaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka, ururrada iyo xisbiyadda iyo sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka, soohdimaha iyo sidoo kale qorshe howleedka guddiga.

170-Xildhibaan ayaa u codeysay maanta, mana jirin xildhibaan diiday ama ka aamusay, waxaana sidaas ansax ku noqday habraaca fadhiyada wadajirka ah ee ansixinta saddexda hindise-sharciyeed, sida uu sheegay guddoonka baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa labada gole ka hor akhriyay ahmiyadda ay shurucdaan u leeyihiin dalka iyo dadka, isagoo sheegay in seddexda hindisa sharciyeed ee golaha horyaal dib u babeen iyo wax kabadal lagu sameeyay.

Xildhibaan Mahdi Guuleed oo ah guddoomiyaha guddiga KMG ah ee labada gole u qaabilsan diyaarinta xeerarka doorashooyinka ayaa golaha ka hor akhriyay habraaca fadhiyadda wadajirka ah ee ansixinta seddaxda hindise shharciyeed ee uu ku shaqeyn doono guddiga kumeel-gaarka ah.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay diiradda saareyso qorshaha iyo dadaallada lagu gaarayo doorasho qof iyo cod ah, xilli uu dhawaan golaha wadatashiga uu gaaray heshiis ay ka maqan yihiin Puntland iyo Jubbaland.

Si kastaba, tallaabada uu maanta qaaday baarlamaanka ayaa imaneysa kadib markii uu aqbalay codsi uga yimid madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si looga shaqeeyo arrimaha doorashooyinka iyo xeerarka kale ee muhiimka ah.