Denmark oo raali-gelin ka bixisay hadalkii hadalkii safiirkoda Muqdisho

34

Dowladda Denmark ayaa raali gelin deg deg ah ka bixisay hadalkii ay ka carootay dowladda federaalka Soomaaliya, kaas oo safiirka Denmark ee Soomaaliya uu ka sheegay magaalada Hargeysa.

 

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo shalay shir jaraa’id qabtay ayaa in safiirka Denmark oo ka mid ahaa koox safiirro ah oo Hargeysa tegay uu jeediyey hadallo xad-gud ku ah wadajirka iyo qaranimada Soomaaliya.

 

Ilo wareedyo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegaya in wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Denmark ay deg deg uga soo jawaabtay hadalkii wasiir Fiqi.

 

Denmarka ayaa Soomaaliya ka raali gelisay hadaladii xanafta lahaa ee Hargeysa uu ka jeediyey safiirkooda Muqdisho, waxayna cadeysay in isla xisaabtan diblomaasiyadeed lagu sameynayo safiirka.

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo u yeertay safiirka Denmark ee Muqdisho ayaa balamisay maalinta Arbacada ah ee soo socota, waxaana su’aalo laga qeydiinayaa hadalkii kuu ka sheegay Hargeysa.

 

Somaliland oo si caro leh uga soo jawaabtay hadalkii wasiir Axmed Macalin Fiqi ayaa masuuliyiinta u hadlay waxay sheegeen in Wasiirku ka xunyahay horumarka ay gaareen reer Somaliland iyo doorashooyinka guuleystay oo ay qabsadeen.

 

Siyaasiyiinta Somaliland ayaa ku dooday in Fiqi uu quuri waayey inuu hambalyeeyo guulaha ay gaareen reer Somaliland, taas bedelkeedna uu kiis ku soo oogay safiiradii Hargeysa u tegay inay taageeraan oo korjoogteeyaan doorashada.

 

Siyaasiyiin kale oo u badan reer SSC Khaatumo iyo reer Muqdisho ayaa Wasiir Fiqi ku amaanay doorkiisa firfircoon ee diblomaasiyadeed iyo sida uu uga jawaabay xadgudubkii safiirkaas uu kula kacay qaranimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed.