Laftagareen walaalkiis oo kursi xildhibaan kasoo helay Baydhabo

38

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa maanta lagu qabtay doorashada kursi kamid ah Golaha Shacabka, waxaana kusoo baxay wiil la dhashay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Kursiga oo uu tirsigiisu yahay HOP 172 ayaa waxaa ku guuleystay Aadan Xasan Maxamed (Lafgareen), wxuuuna sidaas ugu biirayaa xubnaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Aadan ma gelin tartan adag, waxaana malxiisad looga dhigay gabar yar oo dhalinyaro ah, sida ay muujinayaan sawirro laga soo qaaday hoolka ay ka dhacday doorashada.

Xildhibaanka guuleystay ee la dhashay Cabdicasiis Laftagareen ayaa goobta hadal ka jeediyay, wuxuuna ballan qaaday inuu xoogga saari doono waxqabad iyo in uu si daacad ah u matalo dadka deegaanka.

Kursigan waxaa horay u baneeyay soddoga madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo loo yaqaano (Taliye SHUB) oo hadda ah taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Arrintan ayaa dhalisay hadal heyn xooggan, waxaana si aad ah loogu weeraray madaxweynaha Koonfur Galbeed, maadaama uu kursigan u xiray walaakiisa ka yar oo sidaas ku noqday xildhibaan heer federal ah.

Horay Laftagareen ayaa loogu xasuustaa sida uu u maamulay kuraasta xildhibaannada Golaha Shacabka ee Koonfur Galbeed, wuxuuna dhammaan tartanka u diiday rugcadeyaal siyaasadeed oo ay ka mid ahaayee Porf, Maxamed Cumar Dalxa, Cabduweli Muudey iyo Allaha u naxariistee Prof, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaawri.