Guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo, Cabdullahi Jaamac Shimbir oo indhowaanahan ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa maanta dib ugu laabtay gobolkaasi, isaga oo ka dagay magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolkaasi.
Shimbir ayaa si buuxda u garab istaagay dowladda Soomaaliya, waxaana markii uu tegay Garbahaarey uu la hadlay shacabkii soo dhaweeyay oo uu mahadceliyay.
Intaas kadib guddoomiyaha ayaa farriin u diray maamullada kale ee degmooyinka gobolka, wuxuuna sheegay inay jirin meel dhexe oo la istaago, sidaas darteedna wuxuu u qabtay in mudd 48 saac ay ku caddeeyaan mowqifkooda ku aadan khilaafka dowladda iyo Jubbaland.
“Waxaan ka mahadcelinayaa sida la iigu soo dhoweeyay degmada Garbahaarey, waxaan rabaa in guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka ay 48 saac ku cadeeyaan mowqifkooda.” ayuu yidi guddoomiye Cabdullahi Shimbir.
Sidoo kale waxaa Garbahaarey la geeyay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo lasoo wariyay inay la wareegeen amniga garoonka iyo xarumaha muhiimka ah ee degmadaasi.
Guddoomiyaha gobolka Gedo ayaa toos uga baxay garabka Axmed Madoobe, waxaana Jubbaland ay xalay Jubbaland shaacisay inay xilka ka qaaday Shimbir, kadib markii ay wasaaradda arrimaha gudaha maamulkaasi ay ku eedeysay inuu leexday deeq loogu talagalay reer Gedo.
Arrintaan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo ay sii xoogeysaneyso xiisadda siyaasadeed ee u dhexeyso dowladda federaalka iyo Jubbaland, waxaana xalay qaraar ka dhan ah doorashadii Jubbaland soo saaray golaha wasiirada oo Garyaqaanka guud faray inuu dacwad kusoo oogo Axmed Madoobe, si loo maxkamadeeyo.
Tallaabadan waxaa kasii horreyso mid kale oo ay milatari oo ay dowladdu qaaday, kadib markii ciidamo badan ay shalay ku daabushay magaalada Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose.