Dabaaldegyo ka socda Siiriya +SAWIRRO

36

Shacabka dalka Siiriya ayaa billaabay inay ku dabaaldagaan Fagaaraha Ummayad ee bartamaha magaalada Dimishiq, halkaasoo ay ku yaallaan wasaarada dhowr ah sida, wasaaradda difaaca iyo xarumaha taliska ciidamada ka dib markii cukunka laga tuuray Madaxweyne Asad.

Sidoo kale magaalooyinka kale ee dalka ayaa waxaa ka socda isku soo baxyo loogu dabaaldegayo mucaradka talada dalka la wareegay

Xoogaga mucaaradka suniga ah ayaa labo todobaad ku soo afjaray iyagoo aan la kulmin dagaalo waaweyn xukunkii qoyska Madaxweyne Asad ee dalkaas ka jiray 54tii sano ee la soo dhaafay.

Telefishinka dawladda Suuriya ayaa baahiyay in xukunkii Bashaar uu dhacay, warqad laga akhriyay waxay diiwaanka ku galaysa inay Bashaar xukunka ka rideen shacabka, iyadoo muuqaalka laga fogeeyay qof kasta oo xiran dharka militariga ama sita hub.

Warsaxaafadeed lagula hadlayo shacabka Suuriya oo ay baahiyeen mucaaradka, waxayna ku sheegeen in Suuriya cusub ay noqon doonto dawlad dammaanad qaadaysa sharafta, caddaaladda iyo hay’addo ka tarjumaya rabitaanka dadka

Ra’iisul wasaaraha xukuumaddii nidaamka Assad ee Suuriya , Mohammad Ghazi al-Jalali ayaa qaatay go’aan maangal ah, markii uu baahiyay muuqaal uu ku sheegayo inuusan ka bixi doonin Dimishiq oo uu heyn doono faylashii xarumaha dawladda, nidaam kasta oo hela kalsoonida shacabkana uu la shaqeyn doono, tani waxay dhalisay inay kalsooni siiyaan mucaaradka oo warsaxaafadeed rasmi ah ku sheegay inuu shaqada sii wado oo uu hoggaamin doono adeegga bulshada illaa xukunka lagala wareegayo, tan oo dhalisay in lagu amro agaasimayaashii iyo maareeyaashii hay’adaha dawladda inay shaqo galaan oo adeegga bulshada uu sidiisii u socdo.

Mucaaradka , sidoo kalena waxay ku amreen ciidankii booliiska ee magaalo kasta oo ay ku jirto Dimishiq ee ay gacanta ku dhigeen inay shaqeeyaan oo aysan ka bixin, sidoo kale dawladaha hoose, adeegga gurmadka deg degga ah iyo xarumaha caafimaadka ayaa shaqeynaya.

A rebel fighter gestures the victory sign while standing on a military aircraft that belonged to forces loyal to Bashar al-Assad government, inside Hama’s military airport, after Syrian rebels battled government forces for control of the key city of Homs on Saturday and advanced towards the capital Damascus as front lines collapsed across the country, throwing President Bashar al-Assad’s rule into the balance, in Hama, Syria December 7, 2024. REUTERS/Mahmoud Hasano