Taliyihii hoggaaminayay ciidankii Raaskambooni oo laqabtay

39

Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta kusoo dhigtay taliyihii hoggaaminayay ciidamada ay dowladda gaysay magaalada Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose, iyada oo soo bandhigtay, kadibna baahisay sawirradiisa.

Qoraal kasoo baxay Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada dadaraawiishta oo howlgal sameeyay ay soo qabteen taliye Xasan Ciraaqi oo ahaa sarkaalkii ugu sarreeay ciidamaday ay dowladda ku daabushay aagga Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada amniga Jubbaland oo xaqiijinaya nabadgelyada guud ee deegaanka Raaskambooni ayaa gacanta kusoo dhigay horjooge Xasan Ciraaqi, kaasi oo subaxnimadii hore ee shalay ka baxsaday goobihii ay dagaalladu ka socdeen” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxaa la sii raaciyay “Xasan Ciraaqi oo ahaa hogaamiyaha ciidamadii laga keenay Xamar ayaa ciidankiisa ka cararay shalay subax abaare 11:30 barqanimo, markii uu dagaalku bilowday”

Waxaa kale oo ay Jubbaland sheegtay in dowladdu haysay hoggaan xumo, taas oo dhibaato u horseeday ciidamada laga geeyay deegaannadeeda, sida ay hadalka u dhigtay.

Arrintan ayaa muujinaysa hogaamin xumo iyo dhibaatooyin baahsan ee haystay ciidamada lagu soo daabulay Raaskambooni” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Ciidamada Jubbaland ayaa hadda si buuxda u maamulayo deegaanka Raaskambooni oo fadhi u ahayd ciidamada dowladda oo haatan qaarkood ay gudaha u galay dalka Kenya.