Ayatollah Cali Khamenei oo kahadlay eryidii Bashaar Al-Asad

37

Hogaamiyaha Sare ee Iran, Ayatollah Cali Khamenei ayaa wacad ku maray in dhaawaca ku yimid udub dhexaadkii iska caabinta ee Israel ka soo horjeeday, iyo tuuristii Bashaar Al-Asad aysan waxba u dhimi doonin awoodda Iran.

Hadalkii ugu horreeyey ee uu jeediyey ka dib markii al-Asad xilka laga tuuray ayuu Ayatollah Khamenei uu sheegay in dadku aanay aqoon waxa iska caabintu tahay.

Waxa uu yiri, “waxay moodayaan in marka kooxaha iska caabintu ay daciifaan ay Iran-na daciifayso. Iran waa xoog awood leh, wayna ka sii xoog badnaan doontaa,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Xoogaggii mucaaradka ee ku sugnaa dhinaca Woqooyi Galbeed ee dalka ayaa soo afjaray xukunkii dheeraa ee qoyska reer Asad, kaas oo xulufo la ahaa Iran.

Al-Asad ayaa muddo dheer kaalin istaraatiiji ah ku lahaa udub dhexaadka wax iska caabinta ee Israel ka soo horjeeday, gaar ahaan fududeynta saanadda hubka ah ee ay Tehran siin jirtay ururka ay xulufada yihiin ee Xizbullah ee dalka Lubnaan.

Udub dhexaadka iska caabinta waxaa ku jiray ururada Xizbullah, Xamaas, Xuutiga Yemen, iyo kooxo yaryar oo Shiico ah oo Ciraaq ku sugan.

Kooxahan oo dhan ayaa ku mideysnaa in ay ka soo horjeedeen Israel iyo xulufadeeda ugu weyn ee Maraykanka.

Hogaamiyaha Sare ee Iran oo ah qofka ugu dambeeya ee go’aamiya arrimaha dalka ayaa Maraykanka iyo waxa uu ugu yeeray taliska Sahyuuniyadda ee Israel ku eedeeyey inay rideen Bashaar Al-Asad.

Waxa uu yiri, “Qofna yuuna shaki ka galin in wixii Suuriya ka dhacay ay ahaayeen shirqool ay Maraykanka iyo Israel isla sameeyeen.”

Khamenei ayaa sidoo kale eed u jeediyey waxa uu ku sheegay dariksa Suuriya iyo kaalintoodii muuqatay ee waxa Suuriya ka dhacay, isaga oo aan dalna magaciisa sheegin.

Ciraaq, Israel, Urdun, Lubnaan iyo Turkey ayaa xad la wadaaga dalka Suuriya.

Dalalkaas la xusay, Turkiga ayaa ahaa dalkii muddaba taageerayey in Asad xilka laga tuuro.

Turkiga ayaa ciidamo ay ka joogaan Woqooyiga Suuriya, halka dhinaca koonfureedna ay Israel u dirtay ciidamo galay goob dagaallada ka caaganeyd oo QM ay ilaalinaysay, goobtaas oo daris la ah buuralayda Juulaan oo ay horay Israel u goosatay.