DAAWO:- Puntland oo ku baaqday in Soomaaliya dib loogu celiyo cuna-qabatayntii hubka

39

Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Faarax Juxaa oo wareysi bixiyay ayaa sheegay in halis amni oo xooggan ka timid cuna-qabatayntii hubka ee laga qaaday dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiir Juxaa ayaa sheegay in dagaallo siyaasadaysan oo dano shakhsiyaad ku dhisan loo adeegsaday hubkii dowladda Xasan Sheekh ku heshay magaca Soomaaliya, taasi oo muujisay mas’uuliyad-darrada dowladda Federaalka, oo uu ku tilmaamay mid aan lagu aamini karin hubkaasi.

Wasiirka ayaa tusaale u soo qaatay in dowladda Xasan Sheekh dagaalkii Raaskambooni u adeegsatay diyaaradaha drone-ka ee lagu bixiyay magaca Soomaaliya, si looga taageero dagaalka ka dhanka ah Argagixisada, taasina muujimayso heerka mas’uuliyad-darro ee dowladda talada haysa.

Wasiir Juxaa ayaa sidoo kale ku baaqay in cuna-qabatayntii hubka dib loogu celiyo Soomaaliya, si aysan Soomaalidu isugu layn hubka gacantooda galaya, maadaama aysan jirin dowlad Soomaaliyeed oo hub lagu aamini karo, islamarkaana maamulka Xasan Sheekh qeyb ka noqday dagaallada sokeeye.

“Waxaa muhiim ah in cuna-qabatayntii hubka ee la joojiyay dib loo soo celiyo, Soomaalidu mas’uuliyaddaasi ma qaadi karto, hubka la siiyana iyaga isu adeegsan doonaa. Hadda drone ba isu isticmaaleen, wax ka weyna waa isu isticmaali doonaan” ayuu yiri Juxaa.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in Soomaalidu aysan weli dhexdooda heshiin, oo weli ku jiraan marxaladdii dagaallada, islamarkaana aysan helin dowlad dhexe oo mas’uuliyadda hubkaasi qaadi karta, sidaasi darteedna loo baahan yahay in cuna-qabataynta hubka lagu celiyo.