Qaarka mid ah ragii Ceel Baraf dilay Askartii Dowladda oo laqabtay

51

Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur ayaa shaaca ka qaaday in ciidanka dowladda iyo kuwa Hirshabeelle oo is kaashanaya iney gacanta kusoo dhigeen qaar ka mid ah maleeshiyaadkii dhawaan Ceel baraf ku dilay askarta.

Guddoomiye Maxamuud Maxamed Nuur oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay labo ka mid ah maleeshiyaadkii dil wadareedka u geystay askarta ka tirsaneyd ciidanka xoogga dalka.

“Waxaan gacanta ku dhignay laba ka mid ah dadkii dilay askartii Qaranka oo lagu weeraray goob ay ku aruursanayeen, waxaana ku dabajirna inta hartay, waana la soo qaban doona sharciga ayaana la horgeynaya” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur.

Wuxuu sidoo kale xusay guddoomiyaha in xabsiga loo taxaabay Shalay guddoomiyihii deegaanka Ceel baraf iyo Odayaal dhaqan oo ku eedeeysan inay ka gaabiyeen xil gudashadii looga baahnaa,.

Guddooomiyaha Shabeellaha Dhexe ayaa sidoo kale ugu baaqay dadka Soomaaliyeed iyo beesha ay kasoo jeedaan askartii lagu dilay Ceel baraf iney ka war sugaan dadaalada ay wadaan dowladda Fedaraalka iyo maamulka Hirshabeelle.

“Dadaalada way socdaan dowladda iyo Hirshabeelle kama jiifaan wax la qabashada dhacdadii foosha xumeyd, dadka Soomaaliyeed iyo beesha askarta la dilay waxaab u cadeynaya in falkaas uu yahay mid aannka wada xunahay sida uu u dhacay, ha is dajiyaan sharciga ayaa la horkeenaya dambiilayaasha oo hada qaar gacanta lagu haayo” ayuu yiri guddoomiye Maxamuud Maxamed.

Ugu dambeyntii falkii ka dhacay deegaanka Ceel baraf ayaa noqday mid horseeday caro bulsho iyo gadood ciidan oo xoog leh, waxaana xusid mudan dowladda Federalka Soomaaliya ay wacad ku martay in 48 saacadood lagu soo qaban doono maleeshiyadii ka dambeysay dhacdadaas argagaxa laheyd.