Itoobiya oo weli wada faragelintii ay kuhaysay Somaliya

24

Somaliland iyo Itoobiya ayaa yeeshay wada-hadal cusub, kaasi oo ku qotoma iskaashiga dhanka milateriga iyo amniga.

 

Wasiirka gaashaandhiga Somaliland Maxamed Yuusuf Cali iyo Wakiilka Itoobiya u fadhiya Hargeysa Amb. Teshome Shunde Hamito oo ay wehliyaan saraakiil sare oo kamid yahay Jeneral Gabadhi iyo Col. Abara, ayaa ka wada-hadlay kor u qaadista iskaashiga ciidamada.

 

Wasiirka wasaaradda gaashaandhiga JSL iyo Amb. Itoobiya u fadhiya Somaliland ayaa ka wada-hadlay xidhiidhka iskaashi ee dhanka millateriga iyo amniga ee u dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga Somaliland.

 

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu yiri “Waxaa kulanka labada masuul u daaranaa sidii Loo xoojin lahaa iskaashiga xidhiidh ee Somaliland iyo Ethiopia dhinacyada amniga iyo milateriga.”

 

Somaliland iyo Itoobiya ayaa la’leh xiriir wanaagsan, waxaana ka ehaxeeya iskaashi dhinaca amniga ah, iyada oo xuduudda u dhaxeysa ay tahay tan ugu xasilloon marka la eego xuduudaha ay Itoobiya la wadaagto Soomaaliya.

 

Dowladda Itoobiya ayaa sidoo kale waxay Somaliland ka caawisa dhismaha ciidamada, iyadoo kumanaan askari oo iskugu jira millateri iyo boolis u tababarta sanadkiiba

 

Iyadoo xusid mudan tahay in sanadkii tegay ee 2024 ay Somaliland u dirtay dalka Itoobiya ciidamadii ugu badnaa, xilligaasi oo labada dhinac ay gaareen is-afgaradkii badda ee ka careysiiyay dowladda federaalka Soomaaliya.