illaa 15 kun oo shaqaale ah ayaa Sacuudiga aadi doona

25

Daba-yaqaadda sanadkii tegay ayay aheyd markii dowladda Soomaaliya iyo Sacuudiga ay gaareen heshiis la xiriira shaqaale Soomaali ah oo loo dirayo dalka Sacuudiga.

 

Heshiiskan oo si gaar ah ay bishii December 2024-kii qalanki ku wada dugeen wasiirada shaqada ee labada dowladdood ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga ayaa door muhiim ah ka qaadanaya yareynta shaqo la’aanta dalka.

 

Labada dal ayaa ku heshiiyey in nidaam ka duwan kuwii hore ee shaqaalaha Soomaalida loogu diri jiray Sacuudiga hadda loo maro, kaas oo waafaqsan shuruucda shaqaalaha ee caalamiga iyo kuwa labada dal u yaalla, sida uu sheegay wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Soomaaliya.

Runtii dowladda Soomaaliya Sucuudiga shaqaale ayaa loo diri jiray inkasta oo uusan ahayn heshiis rasmi ah oo ahaa mid afka ah iska ahaa, khaladaad badana ayaa dhici jiray oo dadkii meesha la geeyo aysan xaquuqdodi helin, Kufis, khaladaad badan ayaa jiray,” ayuu yiri wasiir Yuusuf Maxamed Aadan.

 

Wasaaradduna door kuma lahayn taas ayaana keentay markaa imaanay wixii ugu horreeyey ee qabanay inaa joojino Shirkadihii khaladaadas sameeyey markii safaaraddeena noo soo gudbiysay.”

 

Shaqaalahan ayaa noqon doona laba qeybood oo kala ah xirfadleyaal iyo xoogmaal, iyadoo dadka xoogsato ah ay qabanayaan shaqooyn ay kamid yihiin ka shaqaynta guryaha, ilmo haynta, dadka waayeelka ah, dadka caawinta u baahan iyo shaqooyinka la mid ah.

 

Halka dadka xirfadlayda ay noqonayan kuwa shahaado ka haysta xirfadooda kuwaas oo ay kamid yihiin kalkaaliyaal, dhaqaatiir, injineero, dadka bartay culuumta kombuyuutarka iyo dadka haysta oggolaanshiyaha gawaarida waaweyn lagu kaxeeyo.

 

Si kastaba, horraanta bisha Febraayo ee sanadkan ayaa lagu wadaa in shaqaalaha ugu horreeya loo qaadi doono dalka Sacuudiga, kuwaasi oo gaaraya illaa 15 kun oo qof oo shaqaale isku jira xoogsato iyo xirfadlayaal.