Warbaahinta laga leeyahay Itoobiya ee Addis Standard ayaa shaacisay in saddex qof oo Itoobiyaan ah lagu dilay Puntland iyadoo lagu eedeeyay in ay xiriir la leeyihiin kooxda argagixisada ah ee Daacish (ISIS),” halka dhowr kalena la xiray, sida ay qortay
Hal qof oo Itoobiyaan ah ayay sheegtay in ay dileen ciidamada ammaanku, iyadoo ay xigtay dhimashada laba kale oo la sheegay in lagu dilay magaalada Boosaaso maalintii xigtay.
Addis Standard oo soo xiganaysay dadka Itoobiyaanka ah ayaa sheegtay in ay aad u bateen xariga, garaacista iyo dhaca aan loo meel dayin ee lagu hayo muhaajiriinta iyo qaxootiga Itoobiyaanka ah ee ku sugan Garoowe iyo Boosaaso.
Mid ka mid ah dadka reer Puntland, oo codsaday in aan magaciisa la shaacin, ayaa u sheegay in dilkan uu la xiriiro eedeymo ah in Itoobiyaanku ku lug leeyihiin kooxda Daacish.
Dhinaca kale, hay’adaha amniga Puntland ayaa been abuur ku tilmaamay warkan ku saabsan dilka saddexda Itoobiyaanka ah. Sarkaal katirsan laamaha amniga Puntland oo la hadlay HOL ayaa u sheegay in aanay haba yaraatee jirin hal qof oo shacab ah oo kasoo jeeda Ethiopia oo lagu dilay gudaha Puntland.
Sarkaalkan ayaa sheegay in laamaha amnigu ay xirxireen dadka sharci la’aanta ah, sidoo kale ay masuuliyad iska saareen inaan wax dhibaato ah loo gaysan bedqabkooda. Wuxuu sheegay in si nabad galyo ah loogu celiyay degaanadoodii.