Daawo: Saalax oo ka jawaabay ‘boobka dhulka

36

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Saalax Axmed Jaamac ayaa caawa jeediyey khudbad dheer oo uu kaga hadlay xaaladda guud ee dalka iyo guulaha ay Xukuumadda Soomaaliya gaartay mudadii ay jirtay, hadal-jeedin kadibna wuxuu wajahay su’aalo weydiin toos ah.

 

Saxafiyiin laga soo xulay warbaahinta dalka ayaa Ra’iisul Wasaare ku xigeenka weydiiyey su’aalo adag oo ku saabsan xaaladda dalka, sida dagaalka Al-Shabaab, mooshinka la hadalhayo, dagaalka Daacish ee Puntland ka socda, abaaraha, isbedelka cimillada, hirgelinta doorashooyinka qof iyo codka ah iyo arrimo kale oo ku saabsan xaaladda dalka.

 

Su’aalaha la weydiiyey Saalax Jaamac waxaa ugu adkaa sababta dowladda federaalka ay doorkeeda uga qaadan la’dahay dagaalka Puntland ay ku qaaday Daacish, wuxuuna ku jawaabay “Kal iyo laab ayaan Puntland ugu taageersannahay, uguna garab taagannahay Dagaalka Daacish.”

 

Wuxuu sheegay in Ra’iisul Wasaare Xamsa uu fagaare ka jeediyey qadiyadda dowladda federaalka oo cad, sidoo kale wuxuu cadeeyey in Daacish tahay cadowga ugu daran ee Soomaaliya “Dad buuraha Puntland soo galay waa kuwo aanaan ab iyo isir wadaagin oo qaarkooda aanaan waligeen tigin dalalkooda, marka waa gardarro iyo dulmi cad inay dalkeena ka dhex dagaaamaan, waana ku garab taaganahay dagaalka ciidamada Puntland.”

 

Sidoo kale Weriyaasha ayaa Saalax weydiiyey hadii ay jirto cabsi ay xukuumaddu ka qabto mooshin guuxiisu ka soo bilowday Nairobi oo lala sugayo furitaanka kalfadhiga 6-aad ee baarlamaanka.

 

Walwal Mooshineed nama hayee, waxaa na haya walwalka sidii Khawaarijta aan isaga dhicin lahayn, amnigana u sugi lahayn, Isbedelka Cimilada ula tacaali laheyn, Abaarahana dadka iyo duunyada looga badbaadi lahaa, loogana wacyigalin lahaa,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saalax Jaamac.

 

Sidoo kale Saalax Jaamac waxaa la weydiiyey boobka la sheegay in dowladdu ay ku heyso dhulkii danta guud ee magaalada Muqdisho.

 

Wuxuu eedeyntaas uga jawaabay “Dowladda Suuqa ayaa loo galiyey dhul ayey boobeysaa, ma ogtidiin in 10 Kun oo qoys dib u dajin loogu sameeyey dhulal dowladda ee ku yaallay Shiirkole, Soona-keey iyo Oodweyne.”

 

Dagaalka Jubbaland iyo jabkii ciidamada qaranka ka soo gaaray dagaalkii Raaskambooni ayaa sidoo kale la weydiiyey Saalax Jaamac, wuxuuna ku jawaabay “Wax qaranka iyo Jubalandba u fool xun ayaa ka dhacay Raaskambooni, ciidanka dowladda amar uma haysan inay la dagaalamaan ciidamada maamulka Jubaland, laakiin waa lasoo weeraray, wixii aad aragteen ayaana dhacay.”