Qaraxyo basas loo adeegsaday oo ka dhacay Tel Aviv +SAWIRRO

23

Qaraxyo xiriir ah ayaa xalay lala beegsaday saddex bas oo la dhigay magaalada Tel aviv ee bartamaha Israa’iil kaasoo ay mas’uuliyiintu uga shakiyeen weerar mintidiin ah

 

Qaraxyadan ayaa dhacay saacado ka dib markii Xamaas ay dib u soo celisay meydadka afar qof oo la qafaashay Gaza, taasoo qayb ka ahayd heshiis xabbad-joojin ah. Qaraxyada basku waxa ay u ekaayeen qaraxyadii dhacay intii ay socdeen kacdoonadii Falastiiniyiinta ee sanadkii 2000, balse weeraradan oo kale hadda waa dhif iyo naadir.

 

Waxyaabaha qarxa ayaa laga helay labo bas oo kale, afhayeen u hadlay booliiska Asi Aharoni ayaa u sheegay Channel 13 TV. Booliiska Israa’iil ayaa sheegay in shanta qarax ay isku mid ahaayeen oo ay ku rakibnaayeen saacad, waxayna sheegeen in kooxaha bambooyinka ay fureen bambooyinka aan qarxin.

 

Baarayaasha oo ku jira daboolo cadcad ayaa cadeymo ka dhex raadiyay biraha gubtay ee basaska, kuwaasoo ku qarxay meel baabuurta la dhigto oo ku taal Bat Yam, oo ah magaalo ka baxsan Tel Aviv.

 

Duqa magaalada, Tzvika Brot, ayaa sheegtay in ay ahayd mucjiso in qofna uusan dhaawacmin. Basaska ayaa la dhigay ka dib markii ay dhameeyeen shaqadooda, ayuu yiri.

 

Madaxa shirkadda baska ayaa sheegay in qaraxyada ka dib ay isla markiiba ku amreen dhammaan wadayaasha basaska inay joojiyaan oo ay sameeyaan “baaritaan dhab ah. ayna dib u bilaabeen socodkooda markii la ogaaday inay bad qabaan.

 

Hay’adda amniga gudaha ee ShinBet ayaa la wareegtay baaritaanka, sida ay booliisku sheegeen.

 

Waxaan u baahanahay inaan ogaano haddii hal tuhmane uu walxaha qarxa dul dhigay tiro bas ah, ama haddii ay jiraan tuhmanayaal badan,” ayuu yiri afhayeenka bilayska Haim Sargrof.