Firdhiye oo kubaaqay dagaal lala galo Somaliland

18

Hoggaamiyaha Maamulka SSC Khaatumo, Cabdiqaadir Aw Cali Firdhiye, ayaa ku baaqay in la xoojiyo halganka uu maamulkiisu ku doonayo, in uu Somaliland ugala wareego qaybo ka mid ah gobollada Sool iyo Sanaag.

Firdhiye oo dadweynaha deegaanka Boocame kula hadlay goob fagaare ah ayaa bulshada ku boorriyey in ay garab istaagaan ciidamada, isla markaana halganka la sii xoojiyo. Waxa uu Somaliland ku eedeeyay in ay barakicisay dad reer SSC Khaatumo ah.

“Halgankii weli inagama dhamaan. Laga soo bilaabo Xeedhadhanka ilaa Ceerigaabo, baaruuda ayaa qiiqaysa, dadkeenii waa la soo barakiciyey, guryahoodii waa laga saaray. Tan hadda aynu joogno ayaa loo soo dhaaranayaa” ayuu yidhi Firdhiye.

Maamulka SSC Khaatumo, oo hadda xaruntiisu tahay magaalada Laascaanood, isla markaana ka taliya badi gobolka Sool iyo qaybo ka mid ah Sanaag, ayaa dhismay kaddib dagaal socday muddo sannad ku dhow oo Somaliland lagaga saaray Laascaanood.

Sidoo kale, maamulka ayaa ku taamaya in uu la wareego magaalada Ceerigaabo, oo ay gacanta ku hayso Somaliland. Horraantii sanadkan, ciidamo ka tirsan SSC Khaatumo ayaa magaalada galay, hase ahaatee, maalmo kaddib waa laga saaray.

Dhinaca kale, xukuumadda Somaliland ayaa wada dadaallo lagu dejinayo xaaladda Ceerigaabo, iyadoo la doonayo in dib u heshiisiin loo sameeyo beelaha wada deggan magaalada.