Abiy Axmed oo dalkisa dib ugu laabtay+SAWIRRO

17

Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa goor dhoweyd soo saaray bayaan wadajir ah, kadib booqashada uu maanta Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ku yimid magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Bayaankan wadajirka ah ayaa marka hore lagu sheegay in imaatinka Abiy ee Muqdisho uu ka dambeeyo wada-hadallo is-daba-joog ah oo dhacay dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, waxayna xoojinaysaa dib-u-heshiisiinta xiriirka labada dal.

Bayaanka oo ku qornaa luqadda Ingiriiska ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in labada dal ay dib u xaqiijiyeen go’aankooda ah inay iska kaashadaan kor u qaadista danaha guud, dhiirrigelinta nabadda iyo amniga, iyo xoojinta xiriirka labada dhinac si loo hagaajiyo nolosha shacabka iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

Labada hoggaamiye waxay dib u xaqiijiyeen ballan-qaadkooda ah in la xoojiyo iskaashiga labada dhinac si ay uga faa’iideystaan,” ayaa lagu yiri bayaanka wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Sidoo kale, waxaa lagu yiri: “Iyagoo aqoonsan xiriirka taariikheed ee qoto dheer ee ka dhexeeya shucuubtooda iyo xuduudda wadaagga ah ee isku xira, waxay carabka ku adkeeyeen muhiimada ay leedahay in la dhiso kalsooni iyada oo la xoojinayo iskaashi dhinacyada diblomaasiyadda, dhaqaalaha iyo bulshada.”

Hoos ka akhriso bayaanka oo dhameystiran:

Qoraal wadajir ah oo ay soo saareen Dowladaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya, Mudane Abiy Axmed, inta uu ku guda jiray booqashadiisa shaqo ee Soomaaliya.

Booqashadan waxay ka dambeysaa wada-hadallo is-daba-joog ah oo dhacay dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, waxayna xoojinaysaa dib-u-heshiisiinta xiriirka labada dal.

Labada hoggaamiye waxay dib u xaqiijiyeen ballan-qaadkooda ah in la xoojiyo iskaashiga labada dhinac si ay uga faa’iideystaan. Iyagoo aqoonsan xiriirka taariikheed ee qoto dheer ee ka dhexeeya shucuubtooda iyo xuduudda wadaagga ah ee isku xira, waxay carabka ku adkeeyeen muhiimada ay leedahay in la dhiso kalsooni iyada oo la xoojinayo iskaashi dhinacyada diblomaasiyadda, dhaqaalaha iyo bulshada.

Itoobiya iyo Soomaaliya waa dalal isku tiirsan oo leh mustaqbal wadajir ah iyo aragti isku mid ah oo ku saabsan xasilloonida iyo barwaaqada gobolka. Iyada oo laga duulayo ruuxaasi, labada hoggaamiye waxay muujiyeen ballan-qaadkooda ku aaddan fulinta mashaariicda muhiimka ah ee kaabayaasha si loo xaqiijiyo horumar waara, isku-dhafnaanta dhaqaalaha, iyo xoojinta xiriirka dadweynaha.

Sidoo kale, labada hoggaamiye waxay soo dhaweeyeen bilowga wadahadallada farsamo ee Ankara, sida ku xusan Baaqa Ankara, iyagoo muujinaya ballan-qaadkooda ah inay sii wadaan wadahadallo wax-ku-ool ah iyo iskaashi.

Waxay sidoo kale soo dhaweeyeen fahamka laga gaaray is-afgaradka u dhexeeya Taliyayaasha Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya (SNA) iyo Ciidamada Difaaca Itoobiya (ENDF), iyagoo aqoonsaday inay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga amniga iyo abuurista xasillooni gobolka.

Labada dhinac waxay dib u xaqiijiyeen go’aankooda ah inay iska kaashadaan kor u qaadista danaha guud, dhiirrigelinta nabadda iyo amniga, iyo xoojinta xiriirka labada dhinac si loo hagaajiyo nolosha shacabka iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika.