Khaatumo oo sheegtay in gooni-isu-taagga Somaliland aanu guulaysan doonin

35

Maamulka SSC Khaatumo ayaa sheegay in riyada aqoonsiga Somaliland aanay sii socon doonin kadib safarka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, uu ku tagay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Warfaafinta ee SSC Khaatumo, Najiib Barkhadle Warsame, ayaa sheegay in hayaanka madaxbannaanida Somaliland uu soo afjarmay, isla markaana uu socdaalka Xamse horseed u yahay midnimo.

“Jabtarkii gooni-isku-taagga iyo foolxumaynta muuqa Soomaaliyeed saaka iyo shalay ayuu soo gebogaboobay. Safarkaasi safar midnimo ayuu ahaa, safar horumar ayuu ahaa, safar dowlad-dhis ayuu ahaa,” ayuu yidhi Wasiir Najiib.

Wasiirku waxa uu sheegay in diidmada Somaliland ee socdaalka Ra’iisul Wasaaruhu ay tahay mid aan macno badan samaynayn, isla markaana waxa uu ugu baaqay inay ku soo biirto midnimada Soomaaliya.

“Ma sii socon doonto, lamana aqbali doono wax dambe oo kala-go’ ah iyo cid ka shaqaynaysa,” ayuu Najiib hadalkiisa sii raaciyay.

SSC Khaatumo oo ah maamul ku-meel-gaadh ah ayaa rajo weyn ka qabta in socdaalka Ra’iisul Wasaaruhu u jeexi doono jidkii ay qayb kaga noqon lahaayeen maamullada hoos yimaada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale, Somaliland ayaa si weyn uga cadhootay socdaalka Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo ku tilmaantay faragelin ka dhan ah ‘madaxbannaanideeda dhuleed’, waxayna sheegtay inay qaadayso tallaabooyin ay ku difaacayso xuduudaheeda, kuwaasoo ay u aqoonsan tahay kuwii uu isticmaarka.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Xamse inta uu joogo Laascaanood, uu ka hawlgali doono xal u helista xiisadda ka dhex taagan Somaliland iyo SSC Khaatumo.