Sii hayaha Wakiilka Midowga Afrika oo dalka laga eryayo

44

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa shaaciyey in dowladda Soomaaliya ay go’aan adag ka gaari doonto sii joogitaanka dalka ee sii-hayaha madaxda howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaasoo uu ku eedeeyey inuu yahay taageere Al shabaab. 

  

“Ninka siihayaha howlgalka AUSSOM ah, muddo dheer ayaa si hoose loogu xaman jiray, laakiin hadda waxaa muuqata inuu is qarin waayey, anaga muddo ayaan ka aamusneyn, qof taageere Al-Shabaab ah ayuu noqday, qof xaasid ku ah horumarka Soomaaliya ayuu noqday,” ayuu yiri Fiqi. 

  

Ilo ku dhow Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, ayaa in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qorsheyneyso iney dalka erido Amb Sivuyile Thandikhaya bam oo ah Diplomaasi u dhashay dalka Koonfur Afrika haatanna ah ku xigeenka iyo Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya& Madaxa sii hayaha Taageeradda Howlgalka Cusub ee AUSSOM ee Soomaaliya. 

  

Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa ku eedeysay ninkan in uu dalka Soomaaliya ka faafiyay warar aanan jirin oo been abuur ah, isla markaana uu qayb wayn ka yahay diblomaasiyiinta Xalane joogta qaarkood ee buunbuunisa al shabaab, sida uu sheegay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Danjire Ahmed Moallim Fiqi. 

Warqad uu qoray Amb Sivuyile Thandikhaya Bam una diray Golaha Ammaanka ee Qaaradda Midoobay ayuu waxa uu ku sheegay in Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya in ay qarka u saaran tahay in ay la wareegaan Kooxda AS, isagoo daliil uga dhigay weerarada ay kooxda ka wado labada Gobal ee caasimadda Muqdisho ku xeeran.