Qoraal kasoo baxay guddiga xeer-hoosaadjka , anshaxa iyo xasaanadda ee Baarlamaaka maamulka Hirshabelle , ayaa lagu ganaaxay saddex xildhibaan oo golaha katirsan, kuwaa oo lagu eedeeyay in ay ku kaceen ficillo aan habooneyn iyo ku takrifal .
Guddiga anshaxa , ayaana saddexdan xildhibaan oo kala ah Xildhibaan Axmed Saney Maxaned, Xildhibaan Saadaq Mukhtaar Cabdulle iyo Xildhibaan Axmed Cali Abuukar ku ganaaxay in laga mamnuuco kasoo qeyb galka hal kalfadhi iyo in laga jaro muddadaasi gunnadii ay qaadan jireen.
Qoraalka kasoo baxay guddiga anshaxa iyo xeer-hoosaadka Baarlamanaka Hirshabelle , ayaa lagu wargaliyay xildhibaannada la ganaaxay in ay u hoggaansamaan ganaaxa, waxaana lagu wargaliyay xildhibaankii kahor yimaada ganaaxaan in dib u eegis lagu sameyn doono xilkiisa.