Maleyshiyaad weerar ku qaaday Xabsiga Dhexe ee waqooyiga Gaalkacyo

41

Ciidamo maleyshiyaad ah ayaa lagusoo waramayaa inay weerareen xabsiga dhexe ee magaalada Gaalkacyo ee Puntland, halkaas oo ay ku xiran yihiin dad u xukuman dambiyo waawayn.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in maleyshiyaadka hubeysan ay damacsanaayeen inay si xoog ah uga soo furtaan maxaabiis ku xiran xabsiga, taasoo sababtay dagaal toos ah oo dhexmaray ciidamada ammaanka iyo kooxdii weerarka soo qaaday.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa tilmaamaya in rasaastu hadda istaagtay, hase yeeshee wali lama xaqiijin in maleyshiyaadkii weerarka soo qaaday ay ku guuleysteen inay la baxaan maxaabiista ay doonayeen. Sidoo kale, lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay israsaasayntan.

Xabsiga Dhexe ee Gaalkacyo ayaa horey dhowr jeer loogu qaaday weerarro la mid ah midkan. Waxaana la rumeysan yahay in halkaasi lagu xiro dambiilayaal ay maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ku xukuntay dil toogasho. Inta badan maxaabiista xabsigan ku xiran ayaa loo haystaa dambiyo la xiriira muqaadaraad iyo dilal salka ku haya aanooyin qabiil.

Afar bilood ka hor ayay ahayd markii weerar la mid ah midkan lagu qaaday xabsiga Gaalkacyo, iyadoo maleyshiyaad doonayay inay si xoog ah u sii daayaan maxaabiis uu sababay weerarkaasi dhimashada hal qof iyo dhaawaca labo kale.