Trump oo kufashilmay weerarkii uu Iran kuqaaday

18

Telefishinka CNN, ayaa soo bandhigay in qiimeyntii u horreysay ee sirdoonka Mareykanka ay ka heleen weerarkii uu Mareykanka ka fuliyay xarumaha nukliyeerka Iiraan; lagu oggaaday wax burbur ah oo gaaray xarumaha nukliyeerka Iiraan inaysan jirin, xataa ma jirto saameyn gaartay wax soosaarka nukliyeerka ee Iiraan.

Uranium-ka la hodmay ee gaarsiinaya Iiraan inay sameyso nukliyeerka lama burburin.
Mashiinnada (centrifuges) inta badan wey badbaadeen.
Aqalka Cad oo ka jawaabay warbixinta CNN, wuxuu sheegay in qiimeynta sirdoonka ay tahay mid sir ah , iyagoo ku sheegay warbixinta CNN , mid khaldan,si kastaba ha ahaatee, waxaa si qarsoodi ah ugu dusiyay CNN qof aan la aqoon oo ka tirsan sirdoonka.

Talaabada Aqalka Cad ugu deg degay inuu beeniyo warbixinta CNN waxaa loo qaaday in laga hortaggo sumcad dil uu la kulmi karo Trump oo amray howlgalkan iyo ciidankii fuliyay weerarkii lagu beegsaday xarumaha nukliyeerka Iiraan, oo hadda ay soo baxday iyaga iyo diyaaradaha aadka loo ammaanay ee B-2 inay fuliyeen howlgal fashilmay oo aan la gaarin yoolkiisa.